Ciidamo Dharcad ah Oo Galabta Suuqa Sarrifka lacagaha Qalaad Ee Hargeysa ka Qaatay Lacagta Shiling Somaliland Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamo Dharcad ah Oo Galabta Suuqa Sarrifka lacagaha Qalaad Ee Hargeysa ka Qaatay Lacagta Shiling Somaliland Ah.
May 1, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews ) Askar Booliis ah ayaa galabta Suuqa sarrifka lacagaha ee Hargeysa ka qaatay lacag Somaliland loogu talogalay in lagu sarrifo, kadib markii ay saraakiisha Booliisku amar ku soo bixiyeen in lacagtaas la soo xareeyo.

Lama garanayo sababta Booliisku lacagtaas Somaliland-ta ah u qaateen, hase yeeshee wararka la xidhiidha dhacdadan ayaa sheegaya in uu lahaayeen dhowr nin oo Kamida sariflayaasha Suuqa fadhista halka midkamid ahi uu  u shaqaynayay mid ka mid ah shirkaddaha waaweyn ee Somaliland.

Wararka aanu ka healyno arrintan ayaa sheegaya in Booliisku mar danbe soo celiyeen lacagtaas oo mudo aan la aqoonsan cida qaadatay maadama ay xiliga ay qaayen ku maqnaayeen salaada balse mudo  kadib ay ciidanka boolisku markii lagu qirteen inay lacagtaas qaateen wali an sicad loo hubi in soo celiyeen.

Illaa hadana ma jiro wax war ah oo faahfaahsan oo ka soo baxay Booliiska iyo Sarriflayaasha toona.

Sarrifka Doolarka ayaa kor u sii kacaya wuxuuna marayaa boqolka Doolar sagaal boqol iyo labaatan kun oo shiiling Somaliland ah, taasoo shilling-kii Somaliland ku keenaysa hoos u dhac balaadhan oo sababay Sicir barar naafeeyey ganacsigii dalka, isla markaana saamayn ku yeeshay Noloshii dadka.

xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada la iman qorshe cad oo wax lagaga qaban karo qiima dhaca shilling-ka Somaliland.

XIGASHO WAHEEN

COMMENTS
LINKS