“Barnaamijka ka Soo kabashada Abaarta Ma laga Yaabaa Inuu Yahay Dhako kale Iyo Dabagoosigii Ugu Dambeeyay? MUJ CALI GURAY | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Barnaamijka ka Soo kabashada Abaarta Ma laga Yaabaa Inuu Yahay Dhako kale Iyo Dabagoosigii Ugu Dambeeyay? MUJ CALI GURAY
May 15, 2017 - Written by Editor:

“Labada Goorba u Daran Hadii farta Laga Saaro 10 milyan Oo Aan Allaha Wax ka Qarsooni Jirin Oo la Mahadin Maayo Hadii Intii Hore Wax Lagu Qaato Hidh la Yidhaana u Daran oo Wixii la Qorshaystay Waa ka Kac”Cali guray .

HARGAYSA(W,N)  MUJ CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)  Ayaa si cilmiyaysan uduray qorshaha ay xuumadu ku iclaamisay in dadka tabaalaysan ee baaaruhu saameey dhaqaale loogu ururiyo kaasi oo xukuumada Madaxwayne siilaanyo hore ugu fashilantay qaybinta tabarucaadii dadku ugu deeqeen hore dadka abaara kusoo baro kacay ee reer somaliland kaasi oo gudiga abaaraha iyo xubnaha wasiiro ah lagu eedeeyay in ay wax isdaba marin ku kaceen muj cali oo arimaasi ka Hadlaya ayaa wuxu ku bilaabay hadalkiisa sidan;

“Barnaamijka ka soo kabashada Abaarta ma laga yaabaa Inuu Yahay Dhako kale iyo Dabagoosigii Ugu Dambeeyay? Ku lahaa tii horeba si wanaagsan baa loo maamulay Tan markaa saw maaha sidii wanaagsanayd ee tii horeba loo maamulay ayaa tanna loo maamuli doonaaye ha ka biqina? Labada goorba u daran hadii farta laga saaro 10 milyan oo aan Allaha wax ka qarsooni jirin oo la mahadin maayo hadii intii hore wax lagu qaato hidh la yidhaana u daran oo wixii la qorshaystay waa ka kac. Qofka daacadda ah ee isagu aamiina ee ku bixiya hor ilaahay isaga way ka geysan tahay sun iyo boogna waxay ku noqon kuwa hunguriyadooda aynu naqaano ee waxay u hunguroodaan aan qof wax isku falayaa u hunguroonin. Hadii la aamini waayo miyaa horta gari Allay taqaane laga gardaran yahay? Miyaa lagu yaqaan oo ma looga bartay amaano Ilaaha Wayne ee waaxidka ah baan idinku dhaariyaye waa la aaminay oo amaanay hayeene? Waxay wax walba kaga dareen indho adayga mudac hadii isha laga geliyo ma libiqsanayaan

COMMENTS
LINKS