Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Hawlan Wareejinta Dhulka Mashruuca Banka Tog-wajaale Iyo Xubno Si Sharci Daro ah Loo Siiyay Qaybo Kamida+ Kacdoono Lagaga Soo Horjeeda Oo Lafilayo In ay Ka Dhacaan Gobolka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Siilaanyo Oo Ku Hawlan Wareejinta Dhulka Mashruuca Banka Tog-wajaale Iyo Xubno Si Sharci Daro ah Loo Siiyay Qaybo Kamida+ Kacdoono Lagaga Soo Horjeeda Oo Lafilayo In ay Ka Dhacaan Gobolka.
April 11, 2017 - Written by Editor:

Mashruucii  Boob Iyo Dhaxal Wareejinta Hantida Qaranka  Ee ay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ka Waday Gobolka Saaxil Oo Looso Raray   Wajaale  iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyay ee ka Aloosan Mashruuca Tog Wajaale +Dareenka Shacabka iyo Diirada Aqoonyahan!!

TOG WAJAALE (W,N)  Xukuumada madaxwayne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ee xiligan mudo xileedkii loo kordhiyay dhamaadka ku dhow yahay isla markaana mudadii ay joogtay xalaashatay iibinta iyo dhaxal wareejinta dhulka danta guud iyo khayraadka dalka  ayaa maalmihii ugu danbeeyay ku hawlanayd sidii khilaaf hor leh looga abuuri lahaa mashruuca banka Tog -wajaale kaasi oo ay bilowday sidii ay  qaybo ka mida dhulka ciidamadu dagan yihiin loo siin lahaa xubno xukuumada ka tirsan , kuwo hore xilal uga soo qabtay iyo shakhsiyaad ay dano gaara ka leedahay.

wajaale

Hadaba wararka aanu ka helayno arinta banka Togwajaale oo hore laba jeer ay xukumadu isku dayday in ay cid gaara siiso dhulka sida ay xogahani tibaaxeen ayaa waxaa todobaadkan gudihiisa amarka soo baxay dhinaca qasriga madaxtooyada oo si toosa loo faray taliyaha mid ka mida ciidamada kala duwan ee dagan banka ayaa waxaa dhowr kiiloo mitir oo ka mida dhulka ciidamada asluubtu gacanta ku hayaan lasiiyay laba xubnood oo ka mida kuwa ka ag dhow madaxtooyada sidoo kale hore ayaa isla qaybtan dhulkan mida loosiiyay xubnaha ugu tunka wayn golaha wasiirada xukumada madaxwayne siilaanyo oo sida la sheegay ujeedadoodu tahay sidii ay uga dhigan lahaayeen dhul  DAKAD  QALALANA Oo alaabta laga keeno dekeda Berbera lagu nasiyo.

abiib-timacad

Dhanka kale shacabka ku dhaqan gobolka Gabiley  gaar ahaan Wajaale iyo Gabiley ayaa waxaa ilaa habeenkii xalay aad looga dareemayaa hadal haynta dhulka ay madaxtooyadu sida khaldan u bixisay kaasi oo abaabulka iyo dareenada lagu diidan yahay ay marba marka ka danbaysa  isasoo tarayaan taasi looga cabsi qabo in  ay maalmahan soo socda sobobta in isku soo baxyo lagu diidan yahay ay ka dhacaan Wajaale iyo Gabiley kuwaasi oo sobobi kara khilaaf culus oo kala irdheeya beelaha gobolka Gabiley wada dega iyo xukuumada siilaanyo.

muuse iyo kaahin

Maaha markii ugu horaysay ee ay madaxtooyada Somaliland  isku daydo in ay si sharci daro ah u bixiso ban daaqsimeedka Tog wajaale oo markii ay beelaha wada degaan ku heshiis waayeen loo dhigay in ay gabi ahaanba degaan ciidamo taasi oo keentay in ay ku kala nabad galaan dadka walaalaha ah ee wada dagan dhullkan  balse xubnahan hada ay madaxtooyadu dhulkan siintooda dabada ka wado ayaa waxaa ka dhex muuqda shakhsiyaad caan ku ah hurinta colaada sokeeyaha iyo kala kaxaynta shacabka gobolka Gabiley taasi oo aan hada la garan Karin halka ay ku danbayn doonto xaalada ka taagani xili ay gobolka Gabiley ku sugan yihiin dadkii ay soo baro kiciyeen abaaraha baahsan ee ka jira gayiga Somaliland.

 

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS