|
|||||
WAJAALE NEWS
Xogaha ku Gadaaman Isku Bedelkii Wasiirka Madaxtooyadu ku Sameeyay Agaasimo Waxeedyada Wasaarada Iyo Xubno Eedo Culus Loohaystay oo Uu u Magacaabay Qaybo Muhiim ah.
April 3, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Wasiirka Wasaarada madaxtooyada Somaliland maxmud xaashi cabdi ayaa dhawaan isku badal iyo xilka qaadis ku sameeyay qaybo kamida agaasimo waxeedyada wasaarada madaxtooyada halka uu kusoo kordhiyay waaxo cusubna Hadaba talaabadan uu wasiir maxamuud xaashi (Usaama) ku kacay ayaa noqotay mid hadal hayteedu bulshada ku badaynayd. Sidoo kale talaabadan ayaa dabada usoo saartay qorshayaal uu Damacsan yahay wasiir xaashiga xiligan ka taliyada qasriga madaxtooyada, Waaxaha laysku badalay waxaa kamida ah masuulkii gacanta ku hayay Aarkiifiyada madaxtooyada Axmed jaamac oo ahaa odayasha ugu culus ee ka hawlgala madaxtooyada sidoo kale ahaa halka kaliya ee lagu aaminay kaydinta xogta qaranka iyadoo lagu badalay xubin marka horeba loohaystay in uu si khaldan ulumiyay dhaato ku jirtay computerada yaala xafiisyada madaxtooyada taasi oo masuulkan imika loo magacaabay aarkifiyada loohaystay wayideeda, Dhanka wasiirka madaxtooyada ayaa dabada kasoo gurtay xubno cusub ee uu magacaabay qarkamida iyagoon gabi ahaanba aan ku jirin shaqaalaha dawlada Xogahan kasoo baxaya talaabadan uu qaday wasiirka madaxtooyada ayaa dareen shaki leh abuuray kadib markii looga shaki ayay in uu madaxtooyada ku beerayo kooxo isaguun ka amar qaata isla mrkaana laga cabsi qabo in ay sifooyin khaldan dabada ugu baxdo xogta qaranku oo lagu ururinayay halkan tan iyo intii ay hanaqaaday dawladnimada Somaliland Sidoo kale dareenada ayaa la xidhiidhiyay qorshahan wasiirka madaxtooyadu wado mid halis maadama ay mudadii xilka ay haysay xukumada siilaanyo oo ay ka hadhsan tahay mudo lixbilood oo kaliya ismarkaana kooxdan imika ka dhow ay ogyihiin in aanay xilka sii joogayn taasi oo Sababi karta iyagoo doonaya in ay raad gadaan heshiisyada ay galeen iyo hantida ay sida shakhsiga usiiyeen in ay gabi ahaanba khatar galiyaan sirta qaranka iyo guud ahaan dalka . Talaabadan Uu Wasiir Maxamuud Xaashi Ku Kacay Ayaa Noqonaysa Mid aaney wali hore u sameyn Masuuliyiintii uga Horeysay Isaga xafiiska, Waxaana Arrintani Ka Markhaati Kacaysaa Sifooyinkan Kalsooni Darradu ku Jirto ee Wasiirku Aanu Masuuliyiintii isaga ka hoosaysay ee ku shaqada lahaa magacaabista iyo maamulka shaqaalaha uu uga maroorsaday inuu isagu sameysto kooxo u dhego nugul oo si gaara uu ugu diro Danaha uu isagu wato.
WAJAALENEWS DESK COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|