|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo La Filayo Inay Xilka Iska Casisho Maalmaha Soo Socda Ka Dib Markii Ay Ku Guul Daraysatay Xakamaynta Hoos U Dhaca Qiimaha Shilinka S/land!!
April 7, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Tann iyo maalintii 27/2/2015 Madaxwayne Siiraanyo ka badalay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada S/land C/casiis Muxumad Samaale ka badalay Wasaarada Maaliyada halka Wasiirkii Wasaarada Waxbarashada u soo badalay Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan waxaa maalinba maalinta ka danbaysa Xawaare aad u sareeya ku socda hoos u dhaca qiimaha lacagta Sh.S/ Land iyadoo Masuuliyadaana ay gaar u leedahay Wasaarada Maaliyadu . Waxaanay Taariikhdu ka marag kacaysaa in Wasiirka Wasaarada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan ay ku fashilantay xakamaynta hoos u dhaca ku yimid Qiimaha Shillilnka Somaliland muddo Xileedkeeda iyadoo Boqolka 100$ lagu kala sarifanayay Maalintii ay Wasaarada Maaliyada kala Wareegtay Wasiirkii hore ee C/casiis Maxamad Samaale uu marayay 7,4o,000Sh S/L halka uu maanta marayo 920,000Sh S/ Land. Inkasta oo Bilawgii Sanadka 2017 Wareegto Madaxwaynaha S/land soo saaray ay Gabi ahaanba noqotay mid aan Midho oo ku Guul daraysatay in ay Xakamayso Hoos u dhaca Qiimaha Shilinka S/land Sidoo kale nolosha Danyarta Ganacsatada yar yar Beeralayda Xoola Dhaqatada Abaaraha Ba”ani ku dhaceen iyo Muruqmaalka iyo guud ahaan Shaqaalaha kala duwan ilaa Ciidamada Dalka ay dhamaantood Lacagta Shillinka Somaliland Mushaharooyinka ku qaata ay Saamayn Balaadhan ku yeelatay Hoos u dhaca Qiimaha Shilinka S/land iyadoo Bulsho S/land ee Danyarta ah ee aanay soo galin Lacagaha Qalaad ee adag ayaa adeeg kasta oo ay u baahan yihiin loogu qiimeeyaa Lacagta adag ee Doollarka. Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Gudoomiyaha Baanka dhexe ayaa dusha ku qaadanaya Masuuliyada hoos udhaca Qiimaha Shillinka Somaliland iyagoo hore ugu fashilmay hindise ama fikiro indha sarcaad iyo dhalanteeda oo bulshada hore loo maqashiiyay imika iyo haatana ay bulshadu fahantay Filimkii ay Jilayeen Wasiirka Maaliyada iyo Gudoomiyaha Baanka kadib marki ay ku fashilmeen xakamaynta hoos u dhaca Shilingka Somaliland
Ugu danbayn waxaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay iscasili Doonto Wasiirka Wasaarada Maaliyada S/land Marwo Samsam Cabdi Aadan kadib markii ay ku guul daraysatay in ay Xakamayso Qiimo dhaca Lacagta Shilinka S/land waase Barri iyo Bill Danbe,
WAJAALENEWS DESK WAJAALE STAFF Related posts:Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Somaliland Oo Socdaalkiisii Austrelia Soo Gaabiyey, Si Deg-deg ahna Ug... Hogaanka Xisbiga Mucaaridka Ee Waddani Oo Booqday Meheradihii Ganacsi Ee Magaalada Wajaale Ku Gubtay... Daawo:Musharaxa M/wayne Ee Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Ka Warbixiyay Shir Maalgashi Oo Ay Da... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|