|
|||||
WAJAALE NEWS
Wariye C/raxmaan Carab Oo Afar Caanno Maal Maxkamad la’aan Iskaga Xidhan Saldhiga Dhexe Ee Magaaladda Hargeysa
April 14, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(wajaalenews) Somaliland, April 14,2017 (Wajaalenews)-Wariye Cabdiraxmaaan Carab Daa’ud ayaa maalintii afraad u xidhan ciidanka Booliska Somaliland,isla markaana aan wali la keenin wax maxkamad ah. Ciidanka Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud oo u shaqeynayey Shabakada Wararka Hangoolnews. Waxa naloo sheegay in unug Boolis ahi suxufigan kala baxeen Xafiiska uu ku shaqeynayey oo ku yaalla Dhismaha Imaaratul-khayr. Boolisku waxa kale oo sida naloo xaqiijiyey ay qaateen qalabkii uu ku shaqeynayey iyo mid kale oo xafiiska yaallay. Sida ururka mareegaha Somaliland cadeeyeen waxay sheegeen in ciidanka Booliska Somaliland aanay sidan wax waaran maxkamadeed ah oo lagu soo xidho wariyaha.
“Sidaas darteed anigoo ku hadlaya Magaca Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland (SOMA), waxaan cambaareynayaa xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Carab Daa’uud, oo aanu u aragno mid sharci-darro ah, isla-markaana qaabka loo fuliyey iyo asbaabihiisaba xad-gudub iyo gabood fal ku yihiin mabaadi’da iyo ujeedooyinka jiritaanka Madaxbanaanida Saxaafada. Xoghayaha ururka warbaahinta mareegaha Saleebaan Cabdi Cali (kalshaale) oo war-saxaafadeed ka soo saaray xadhiga wariyaha, waxaanu yidhi “Annagoo og inaanay ahayn markii ugu horaysay ee saxafi loo xidho sidan kale, isla-markaana boolisku iyagoo haysan ogolaanshiyo Maxkamaddeed oo ay ku cadyihiin Dambiga Saxaafaddi gashay ay weerar ku qaadaan xarun warbaahineed ama wariye, haddana waxaanu ka walaacsanahay inay wali sii socdaan xad-gudubyada noocaas ahi.
Ugu dambeyn, ururka SOMA waxa uu ugu baaqayaa Xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Taliska Ciidanka Booliska, in si dhakhso ah xoriyadiisa loogu soo celiyo wariyaha xidhan, oo haddii uu jiro fal-dambiyeed Saxafigu galay loo maro si waafaqsan Shuruucda dalka iyo xeerka Saxaafadda Somaliland ee Xeer Lr.27/2004. Mar kale Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, waxaanu xusuusinaynaa in Ciidanka Boolisku dhowro Shuruucda dalka ee damaanad qaadaya xurmadda Wariyaha iyo xoriyada Saxaafadd. Ururka SOMA wuxuu dhiiri-gelinayaa madaxbanaanid Saxaafadda oo ku dhisan Anshaxa suubban, waxaanu ka digayaa inay sii socdaan talaabooyinka lagu cabudhinayo Saxaafadda oo aannu aragno inay dhaawacayaan nidaamka Dowladnimo iyo dastuurka dalka. Allaa Mahad leh Saleebaan Cabdi Cali (kalshaale) Xoghayaha Ururka Warbaahinta Mareegaha Somaliland. (Somaliland Online Media association).
Related posts:Gudoomiyaha Gudida Ka Midho Dhalinta Gobolnimada Gabiley Oo Ka Warbixiyay Halka Ay Wax Umarayaan Iyo... Dawlada Somaliya Oo Amar Ku Siisay Shirkadaha Isgaadhsiinta In Aan Laga Isticmaali Karin Mareegaha U... DAAWO;-Xildhibaan Bashiir Tukaale Oo Ka Hadlay Xadhig Ay Dawlada Jabuuti Sheegaytay In Ay Berbera Ke... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|