Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Ingiriiska Oo Mag-dhow Ka Bixinaya War-bixin Uu Ka Qoray Shaqsiyadda Marwada 1-aad Ee Maraykanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wargeys Ka Soo Baxa Dalka Ingiriiska Oo Mag-dhow Ka Bixinaya War-bixin Uu Ka Qoray Shaqsiyadda Marwada 1-aad Ee Maraykanka.
April 13, 2017 - Written by Editor:

USA (W,N) – Jarriirada dailymail ee ka soo baxda London ayaa siin doonta marwada koowaad ee dalka Maraykanka Mrs Melania Trump, lacag mad-dhaw ah oo ay kaga xaal marinayso war been ah oo ay ka fidisay xirfadeedda, kadib markii ay ku sheegtay in aanay xirfad u lahayn lebis qaadashada.

Bayaankii lagu heshiiyay ayuu Garsoore Sare oo Ingiriis ahi isaga oo matalaya dhinacyadii is dacweeyay uu si rasmi ah u akhriyay, una caddeeyay in la siin doono Mrs Trump xaal-marin dhan $3,000,000 una dhiganta 2,400,000bound, qaddarkaasi lacageed oo aan hore looguma soo bandhigin intii ay socotay dacwaddu.

Bayaankan ayaa waxa kale oo lagu caddeeyey in qoraalka warka Marwadu ka cabatay uu ku fidsanaa laba bog, isla-markaana faafintiisu si joogto ah uga socotay Internet-ka ilaa Xaggaagii hore.

Warka-Maraykanka-251x300

Warbixintan ayaa ku eedaysay inay Mrs Trump ka mid aheyd gabdhaha ay adeegsato shirkad isku Shukaamisa Ragga iyo Dumarka, sidaana lagu baray Donald Trump, taasoo ay ku sheegtay inay tahay been abuur wax lagu yeelayo sumcaddeeda.

Qareenka u doodaya Melania Trump ayaa sheegay in bayaankaasi lagu heshiiyey inay ku jirto jawaabtii ay ku daadifeysay dhalleecayntaasi iyo marag furkii Paulo Zampolli oo ahaa maareeyihii shirkadda dhar xayeysiinta ee ay ka tirsanaan jirtay Marwadu.

War-bixintaasi ay dacwaddu ka dhalatay ayey Daily Mail faafisay 20th Aug 2016, iyada oo ciwaan uga dhigtay “Sawirrada la helay iyo Su’aalaha layska weydiinayo waxay ahaan jirtay Xaaskiisu, siday majaraha uga saari karaan Trump”.

Malania Trump ayaa la sheegayaa inay dalbatay $150 milyan oo dollar oo xaal-marin ah, waxaana qareenkeedu ku dooday warbixintan waxa ku daabacday laba bog, iyadoo ciwaankeedu ku qornaa far waaweyn oo muujisan, iyo sawirkeeda oo bogga middig saddex meeloodoow laba haystay, taasi oo aan shaki lahayn in cid kasta oo aragta uu nuxurka qoraalkana u dhaadhacay.

Si kastaba ha ahaatee, Catrin Trans oo ku hadlaysa magaca jarriirada ayaa caddaysay inay ogoshahay wax kasta oo ku qoran bayaankaasi lagu heshiiyay oo ay qaateen gefkii lagu dacweeyay, iyadoo intaasi ku dartay inay hore u beeniyeen warkoogaasi dacwaddu ka taagneyd.

 

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

COMMENTS
LINKS