|
|||||
WAJAALE NEWS
War-Deg-Dega:Masuuliyiin Sarsare Oo Hada Iska Casilay Xisbiga Ucid
April 15, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)April.15,2017-Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee UCID isla markaana xilal ka hayey xisbiga UCID ayaa maanta ku dhawaaqay inay si rasmi ah xilkii iyo xubinimadii xisbigaba iskaga casileen. Waxanaa masuuliyiintan is casilay oo xilal ka hayey xisbiga UCID ay kala ahayeen Afhayeenkii guud ee xisbiga UCID Xasan Khayre Shabaash,Gudoomiyihii gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga UCID Cabdi Dool Kaariye iyo waliba gudoomiyihii xisbiga UCID ee gobolkaTogdheer Aadan Xuseen Maxamed,waxaana ay shaaca ka qaadeen inay gabi ahaanba iska casileen xilkii iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga UCID. Masuuliyiintan oo shir jaraa;id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ku sababeeyeen iscasilaadooda in ilaa hadda aan xisbiga UCID yeelan Murrashaxa madaxwayne ku xigeenka xisbiga UCID,sidoo kalena waxay masuuliyiintani shaaciyeen in ay yihiin xubno badan isla markaana sababaha iscasilaadooda ay ka sheegi doonaan shir ay iskugu imanayaan dhawaan.
Related posts:“Caaqilkaas Burco Ka Hadlay Way ka Hoostaye, Habluhu Waa Isku Wada Mid, Mana kala jiraan Hablo Loo G... DAAWO;-Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka Oo Hawlgalo Ay Ku Beegsanayaan Gaadiidka Yar Yar Ee Bijaajka... Gudoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo ka Hadlay Baadhitaano Ay Ku Sameeyeen Nin Dad Reer Muqdish... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|