|
|||||
WAJAALE NEWS
Ururka Al-Saacdicuuna Bil Xaq Oo khilaaf ka Dhax abuuray Mas’uuliyiinta Maamul Gobolleedka Puntland
April 28, 2017 - Written by Editor:GAROOWE (W,N) – Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Camey ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay kulan dhawaan dhexmaray guddoomiyaha gobolka Nuugaal iyo xubno ka tirsan urur diimeedka lagu magacaabo Al- Saadicuuna Bil Xaq oo looga dhawaaqay qeybo ka mid ah dalka. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in ururka Al-Saadicuuna Bil Xaq uu xaaraan ka yahay sida uu hadalka u dhigay deegaannada dowlad gobolleedka Puntland. Waxaa uu sheegay madaxweyne ku-xigeenka in Puntland tahay maamulkii ugu horeeyay ee go’aan ka soo saara ururkan, islamarkaana u cadeynayo maamulada kale ee dalka ka jira in go’aankoodii waxba iska badalin kana soo horjeedaan jiritaanka ururkan iyo in uu ka dhax shaqeeyo deegaannada Puntland. Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo dhawaan kulan la yeeshay xubno ururka ayaa sheegay in ay is afgarad gaadheen dhamaanba tuhunnadii la qabay, sidaa daraadeed wixii hadda ka danbeeya ka mid yihiin culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Puntland. Guddoomiyaha ayaa sheegay in hogaamiyayaasha ururka iyo maamulka gobolka Nugaal isku afgarteen dhamaanba qodobadii ay ka wada hadleen, taasoo meesha ka saareysa ayuu yiri shakigii markii hore la qabay. Xubnaha ururka ayaa iska fogeeyey eedeymo loo jeediyey oo ah ay ka mid yihiin firqada takfiirka iyo gaaleysiita dadka muslimiinta, waxayna eedeymahaas ku tilmaameen kuwo been abuur ah Related posts:Daawo; Wasiirka Maaliyada somaliland CabdiCasiis Maxamed Samaale Oo Tilmaamay,Kaalinta Xawaaladuhu K... Daaawo: Qaar Ka Mid Ah Cuqaasha,Waxgaradka,iyo Haweenka Gabiley Oo Taageeray M/Weyne Siilaanyo Farii... Hoos U dhaca Qiimaha Shidaalka Iyo Arxan La.aanta Shirkadaha Korontada Ee Bulshada+ Moganaanta ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|