Talefeeshanka Qaranka Somaliland Oo Cunsuriyad Kula Kacay Wiil Uu Dhalay Guddoomiye Cirro Iyo Qaabka Uu U Cunsuriyadeeyey + | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Talefeeshanka Qaranka Somaliland Oo Cunsuriyad Kula Kacay Wiil Uu Dhalay Guddoomiye Cirro Iyo Qaabka Uu U Cunsuriyadeeyey +
April 19, 2017 - Written by Editor:

Ibraahim Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo ah wiil uu dhalay guddoomiyaha

Baarlamaanka Somaliland Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa kaalinta koowaad ka galay tartan aqooneed heer caalami ah oo ka dhacay dalka Kasakhistan taasi oo uu ku metelaayey magaca Somaliland isaga oo weli ba halkaasi ka dhex muujiyey calanka bilicda san ee Somaliland.

Image may contain: 2 people

 

Ibraahin Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ayaa ka dib markii uu dalka ku soo laabtay si diiran looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa, waxaana uu tilmaamay in uu aad ugu faraxsan yahay tartankaas uu ku soo guuleystay isaga oo sida oo kale na xusay in uu tartankaas ku metelaayey magaca Somaliland oo uu halkaas ka muujiyey.

 

Dhanka kale, waxa xusid mudan in Talefeeshanka Qaranka Somaliland uu cunsuriyaddeeyey ardeygaas da’da yar ee kaalinta hore ka soo galay tartan aqooneedkaasi isaga oo magaciisii iyo weli ba muuqaalkiisii ba ka tiran in ay ka baahiyaan Talefeeshankaasi, waxaana aan iyada na mar keliya carabka lagu dhufanin in wiilkaas da’da yar uu dhalay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
LINKS