|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Beelaha Subeer Awal Oo ka Digay Caleemo Saarka Suldaan Sharci Daro Loo Cumaamaday Iyo Farin Culus Oo Uu u Diray Wasaarada Arimaha Gudaha,
April 30, 2017 - Written by Editor:“Waxaan Hambalyo Udiraya Wasaarada Arimaha Gudaha jsl inay Gudaha Dhigto Sharcigana Noo Horkeento Cid Waloo Dhaqan Biisa Oo ku Xad Gudubta Dhaqanka”SULDAANKA GUUD EE SUBEER AWAL HARGAYSA(W,N) Suldaanka guud Ee Beelaha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan Oo ku sugan dalka Itoobiya Caasimadisa Adiis ayaa fariin Qoraal ah oo usoo dhigay barta uu ku leeyahay barkulanka bulshada ee loo yaqaan face booka ayaa wuxuu kaga hadalay in aanay suurto gal ahay in dhaqanka la burburiyo ismarkaana aanay suurto gal ahayn in ay cid kastaa guri hoos ku soo cumaamado cid kaasi oo deel qaf ku ah asluubta saldanada wuxuuna u dhignaa Sidan; WAR MURTIYEED KOOBAN OO DHAQAN Ku socda WASAARADA ARIMAHA GUDAHA JAM.SOMALI LAND… Waa hubaal in wasaaradani xilweyn oo culus qaranka u igmantay oon laqiyaasi karin amniga dhaqanka Wada shaqaynta ubadan la wadaagto madaxda dhaqanka sida adkeynta nabad gelyada xoojinta midnimadada shacabka iyo illaalinta qarinamada waxkasta oo dhib ku ah xilkedu waa mid baaxadle oy wasaradani u igmantay waana inay markasta xil iska saarto sidii ay umada iyo dhaqankaba wixii burburin kusoo qaada waa inay gaashanka udaruurto waxa indhowaale inagu soo batay darajo madax dhaqmeed oo been abuura oo xadhka goosada una baahan intaan dalku fowdo galin in dawlada iyo dhaqanku iska kaashadaan oo la anshax mariyo waa talaabo guula xukuumadu tan ay hore u qaaday ee suldankii dhawaan naga geeriyoday suldan Jaamac ee Beesha Adaraxman go,aanka ay kaqaadatay waanu kashirnay shir isgaadhsiinta ah mudo laba haben udanbeyay anigoo ku hadlaaya taajka guud ee saldada beesha awal waxaan hambalyo udiraya wasaarada arimaha gudaha jsl inay gudaha dhigto sharcigana noo horkeento cid waloo dhaqan biisa oo ku xadgudubta dhaqanka taasoo dhawaan hadii alle yidha markan guryo noqdo awal ubalamay inaanu wax iska weydiino talaabo adagna laga qaado cidkasta oo kuraad gadatana haday tahay caaqil iyo qof waloo gar gaaraya burburinta dhaqanka waa soo gudbinaynaa dawladu si ay dhamaan u anshax mariso waanan ku garab joogna wada shaqayn buuxda oo dawlad iyo dhaqana, wabilaahi towfiiq alle diinta dalka dhaqanka dadka haynoo xafido wax kasta oo dhaqankena duulimad ku ah dawlad iyo shacab iyo dhaqan waa isu kaashan doonaa intaanay inagu fidin labadii sano ee udanbeeyay jilaafoyinka dhaqan ee lagu carqaladaynaayay lagu burburinaayay lagu wiiqaayay waa inagu badnaayen lagase hadhimaayo waanu ujiheyn WABILLAAHI TOWFIIQ. sikastaba ha ahatee ninkan is cumaamaday ayaa xukuumada xabsiga u taxaabtay xalay niskii DANBE Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|