Shaqadii Wasaaradaha iyo Hawlihii Maamulka Dawllada Oo Madaxtooyada Lagu Koobay iyo Golaha Wasiirada Oo Xero Guul Ka Dhigtey Qasriga!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqadii Wasaaradaha iyo Hawlihii Maamulka Dawllada Oo Madaxtooyada Lagu Koobay iyo Golaha Wasiirada Oo Xero Guul Ka Dhigtey Qasriga!!
April 3, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa,noqotey indhawaale Xero guusha Xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo waagii beryaba hadhgal ka dhigtey barxada Weyn ee Gudaha Qasriga iyadoo siweyn looga dareemayo sida ay u haawanayaan Xafiisyadooda Xarumaha Wasaaradaha ay xilkooda hayaan haba u badnaadaan Wasiiradii dambe ee guraangurka ahaa,Wasiiru Dawlayaashii kureyda u badnaa iyo Wasiir Kuxigeeno Tira badan.

madaxtooyada

Kumanaan qof oo kamid ah Qeybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland,Maamulka iyo Masuuliyiinta hay,adaha Dawlada,Gudoomiyayaasha,iyo Maayarada Degmooyinka iyo Gobolada dalka xubnaha ugu badan ee Wasiirada Wasaaradaha dalka ayaa subax walba kuyuu dheer u gala Xafiiska Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi kadib markii uu awoodii iyo hawlihii Qaranka oo dhan hoos keenay Wasaaradiisa waxaanad qacda hore dareemaysaa culayska iyo sawaxanka ka oogan  gudaha hore ee Barxada Xafiisyada Qasriga Madaxtooyada oo kuyaala shubka hoose ee Xarunta,taas oo qofba qofka kale ee kasoo horeeyay si aad u dhibsanayo islamarkaana,ay had iyo jeer dhacdo in eedaanka duhur iyo ka casarba ugu dhaco sida loo hor tuban yahey.

Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Madaxweyne Kuxigeenka Axmed Siilaanyo iyo Cabdiraxmaan Saylici ayaa labaduba haawanaya sida Wasaaradaha dalka oo kale taas oo si dhab ah looga dareemayo in hawlihii Qaranka oo dhan lagu soo ururiyey Xafiiskan Wasiirka Madaxtooyada,oo ay ku lamaan yihiin in fashilaado culusi ka taagan yihiin hawl maalmeedkiisa shaqo sidaa daraadeedna aaney,waxba ka fulin arimaha iyo hawlaha lagu soo koobay ee hawl maalmeedka Qaranka oo dhan waxana si dhab ah looga dareemayaa in aan qiimayn lasiinin guud ahaanba Ciidanka Madaxtooyada oo niyad ahaan tiih badani ka muuqdo iyo tacdadka ku dhaca cid kasta oo hawli ka gasho halkaasi.

Sikasta oo ay arimuhu yihiin waxa ay talaabadani fashilaad Qaran ku tahey guud ahaanba Geedi socodka Nidaamka Maamul ee xiligan ay ku sugan tahey Xukuumada uu gadhwadeenka ka yahey Oday Axmed Siilaanyo oo inta ugu badan ee Bulshada Somaliland aaminsan tahey in uu ka fara baxsatey taladii qaran ee Shacbigu u doortey lix sano ka hor.

 

 

Cabdiraxmaan Nuux Axmed(hiiraan)

Email:hiiraan2007@gmail.com

COMMENTS
LINKS