Murrashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka WADDANI Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka
April 19, 2017 - Written by Editor:
Murrashaxa Madaxwayne Ku Xigeenka WADDANI Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Holland+Sawiro
Hargeysa(SM)April.19,2017-Murrashaxa madaxwayne ku xigeenka Xisbiga WADDANI Amb Maxamed Cali Aw Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo oo ka tirsan xisbiga WADDANI isla markaana muddoyinkii danbe socdaalo ku marayey wadamo tiro badan oo caalamka kamid ah ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey dalka Holland.
Waxaana waftigan kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Schiphol ee magaalada Amsterdam ee dalka Holland masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee dalkaasi,jaaliyadda reer Somaliland ee wadankaasi ku dhaqan iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADDANI.
Waxaana waftigan soo dhawayn kadib loo galbiyey dhankaa iyo hudheelka dagi lahaayeen oo ku yaala magaalada magaalada Den Haag,iyaga oo halkaasi waftigan casho sharaf loogu sameeyey.
Intaasi kadib ayaa waftigan uu hogaaminayo Murrashaxa madaxwayne ku xigeenka WADDANI uu masuuliyiintani warbixin kooban ka siiyey xaaladda guud ee dalku marayo wakhti xaadirkan,abaaraha dalka ka jira iyo waliba hawlaha xisbiga.
Sidoo kalena waxa iyaguna waftigan hawlaha xisbiga laantiisa Holland warbixin kooban ka siiyey xubnihii halkaasi kusoo dhaweeyey waftigan Maxamed Cali Aw Cabdi,iyaga oo labadaasi dhinacba Casho Sharafta kadib si wayn isku waraystay,waxaana xubnaha soo dhaweeyey waftigan ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin inay dalka Holland soo gaadhaan wafti ka socda Xisbiga WADDANI.
Gabagabadiina waftigan ayaa inta ay dalka Holland ku sugan yihiin waxaa la filayaa inay kulamo kala duwan la qaataan madaxda dalkaasi isla markaana ay kala hadlaan abaaraha baahsan ee dalka jira,jaaliyadda reer Somaliland ee dalkaasi ku dhaqan iyo waliba taageerayaasha xisbiga WADDANI ee dalka Holland.