Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Maqaaxida Baraadka Ee Berbera Kala Shaaheeyey Boqolaal Ka Mid ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladdaasi+SAWIRO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Maqaaxida Baraadka Ee Berbera Kala Shaaheeyey Boqolaal Ka Mid ah Dadweynaha Ku Dhaqan Magaaladdaasi+SAWIRO
April 30, 2017 - Written by Editor:

Berbera (W,N):-Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maqaaxida Baraada ee ku taala badhtamaha magaalada Berbera kala shaaheeyey boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladdaasi.

WADANI BER 5

Guddoomiye Cirro oo ay wehelinaayeen qaar ka mid ah madaxda Xisbiga WADDANI, ayaa waxa halkaas si diiran ugu soo dhaweeyey odeyada, dhallinyarada iyo weli ba dadweynahii kale ee ku sugnaa meheraddaasi iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada uu ugu yimi guddoomiye Cirro isla mar ahaantaana ay u muujinaysa sida uu ka Murashax ahaan uu u daneynaayo in uu dareen dhow la wadaago duruufaha nololeed ee shacabka ku dhaqan magaalada Berbera.

WADANI BER 7 WADANI BER 2 WADANI BER 1

Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo isna dhankiisa la hadlaayey qaar ka mid ah dadweynahaasi, ayaa isna muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu soo booqdo dadweynaha ku sugnaa meheraddaasi oo uu tilmaamay in maadaama uu yaha Murashax reer Berbera ah ay khasab tahay in uu si xog-oggaalnimo ah uga war hayo xaaladda dhabta ah ee shacabkiisa.

WADANI BER 4 WADANI BER 3

COMMENTS
LINKS