Maxkamada Sare Ee Ciidanka Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Xukuno Iskugu Jira Dil Iyo Xabsi Dheer Ku Riday Askar Ka Mid ah Ciidanka Qaranka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Sare Ee Ciidanka Qalabka Sida Ee Somaliland Oo Xukuno Iskugu Jira Dil Iyo Xabsi Dheer Ku Riday Askar Ka Mid ah Ciidanka Qaranka
April 4, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)April.4,2017-Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee Somaliland ayaa xukuno kala duwan oo iskugu jira dil toogasho ah iyo xabsi dheer ku ridey askar hore uga tirsanaa ciidamada qaranka Somaliland.

Askartan xukunada kala duwan lagu ridey ayaa tiradoodu ahayd laba askari ayaa waxa lagu soo eedeeyey inay marxuun ku dileen gudaha magaalada Laascaanood dhamaadka sanadkii ina dhaafay 2016-ka iyada oo maxkamadduna xukuno kala duwan  ku ridey.

Saciid Saleebaan Shire oo 35 jir ah isla markaana hore uga tirsanaa ciidanka qaranka ayaa maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu cadeeyey inuu dilay Marxuun Bille Sugulle Maxamed kaas oo uu ku diley gudaha magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu xukun dhan 10 sanadood oo xadhig ah ku ridey Axmed Saleebaan Shire oo hore uga tirsanaa ciidamada Qaranka kaas oo lagu helay isagana dambi ah inuu gacan siiyey gacan ku dhiiglaha dilka gaystay wakhtigii uu dilka fulinayey.

 

 

COMMENTS
LINKS