Maxkamada Ciidamada Maamulka Muqdihso Oo Xukun Dil ah ku fulisay Askari ka Tirsanaa Ciidamada Booliiska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Ciidamada Maamulka Muqdihso Oo Xukun Dil ah ku fulisay Askari ka Tirsanaa Ciidamada Booliiska.
April 22, 2017 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)  Maxkamada ciidamada qalabka sida ee maamulka muqdisho ayaa subaxnimadii hore ee saaka dil toogasho ay ku fulisay askari ka tirsanaa cidiammada booliiska oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Maadeey.

Askariga toogashada lagu fuliyay ayaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ku dilay nin la Marxuum la odhan jirey Maxamed Cali Cabdalla 05-01-2016 dii.

ninka dilka lagu fuliyay

Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegtay in ninkaan lagu helay dambiyadda lagu soo oogay,islamarkaana uu si bareer ah u toogtay qof Shacab ah.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale maxkamada ciidamada qalabka sida xukuno dil ah ugu fuliso ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ku eedeysan in ay geysteen dilal bareer ah.

COMMENTS
LINKS