|
|||||
WAJAALE NEWS
Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Oo Dacwad Ka Gudbiyey Wargeyska FOORE oo ay Sheegeen in uu Ka Qoray War Been Abuur ah.
April 22, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xarunta wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Wasiirka Wasaaraddaasi Maxamed Cabdillaahi Obsiiye iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Adan Cilmi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war saaka uu daabacay wargeyska FOORE oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa,masuuliyiinta ayaa ku eedeeyey wargeyska in uu qoray war abeen abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn,waxay sheegeen inay cadeyn uga fadhiyaan masuuliyiinta wargeyska FOORE warka uu qoray,isla markaana masuuliyiinta ayaa waxay sheegeen inay isla maantaba dacwad ka dhan aah wargeyska FOORE u gudbiyeen Xeer ilaalinta iyo xarunta danbi baadhista ee CID-da. Nuxurka warka uu qoray wargeyska fore ayaa ahaa ;khilaaf uu sheegay in uu u dhaxeeyo wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda shaqadda iyo arimaha bulshadda Somaliland,warkaasi oo uu wargeysku daabacay maanta oo ay taariikhdu ahayd 4/22/2017-ka ayaa si weyn uga cadheysiiyey mausuliyiinta wasaaradda shaqadda iyo arimaha bulshadda,taasi oo keentay inay si deg deg ah shir saxaafadeed ugu qabtaaaan xarunta wargeyska isla markaana ay ku beeniyaan warkaasi uu wargeyska FOORE qoray oo ay sheegeen in uu ka baxsan yahay anshaxa saxaafadda isla markaana yahay war been abuur ah oo baarmarsan shuruucda saxaafadda Somaliland u yaala iyo tan caalamiga ah,waxayna uga digeen guud ahaanba saxaafadda Somaliland inay iska ilaaliyaan wararka been abuurka ah ee aan salka iyo raadka lahayn. Maaha markii ugu horeysay ee masuuliyiin dawladda ka tirsani ka cawdaan warar abeen abuur ah oo ay ka faafiyaan qaar ka mid ah warbaahinta,balse waxa mudooyinkan danbe soo badanayey dacwadaha noocan ah ee laga qabo warbaahinta qaar oo qorta warar been ah oo meel lagaga dhacayo sumcadda masuuliyiin iyo shakhsiyaad kale intaba, waxayna keenaysaa hadii aysan si deg deg ah warbaahinta qorta wararka been abuurka ahi raali gelin ka bixin in wararkooda la rumaysan waayo isla markaana sumcadda ay bulshadda ku dhex leeyihiin hoos u dhacdo. Related posts:DAAWO;-Xuska Maalinta Macaanka Aduunka Oo Lagu Qabtay Magaalada Gabiley Iyo Adeegyo Caafimaad Loo ... Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Xadhiga Ka Jartay Mashaariico Horumarineed Oo Laga Hirgaliyay Gobol... Eng Xashi Cumar Cige Ayaa Tacsi U Diraya Dhamaan U Reer Somaliland Iyo Eheladii Uu Ka Baxay Cheaf Ca... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|