|
|||||
WAJAALE NEWS
“Mashaariicda Muhiimka u ah Dalka Fulintoodu Waa Waajib Dastuuriya”Afhayeenka Madaxtooyada
April 1, 2017 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)- Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), ayaa sheegay in fulinta mashaariicda masiiriga ah ee muhiimka u ah mustaqbalka iyo dhaqaalaha dalka, uu waajib dastuuriyi ka saaran yahay xukuumadda fulintooda. Afhayeenku waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay u waramay Wargeyska Dawan, waxaanu ka hadlay natiijadii safarkii madaxweynaha iyo ahmiyadda mashruuca sahaminta shiidaalka ee laga bilaabay gobolka Togdheer. Ugu horeyn afhayeenka oo la weydiiyay sida waxgaradka gobolka Togdheer u taageereen mashruuca sahaminta shiidaalka ee uu Burco kaga dhawaaqay waxaanu ku jawaabay “Madaxweynaha iyo wefti culus oo uu hoggaaminayey ayaa 24.03.2017 wuxuu socdaal shaqo ugu baxay Gobollada Saaxil iyo Togdheer. Socdaalkan Madaxweynaha oo qaatay muddo 5 maalmood ah, wuxuu salka ku hayey u kuur-gelidda iyo xogo-gaal u noqoshada qaabka ay hawlaha qaranku uga socdaan Saaxil iyo Togdheer, maadaama ay halkaa (labadaa gobol) ka socdaan Mashaariic Horumarineed oo baaxad leh, kuwaasoo mustaqbalka dhow iyo ka fogba Dalka iyo Dadka Somaliland u horseedi kara Horumar iyo Raasamaal taariikhi ah. Madaxweynuhu wuxuu 25.03.2017 magaalada Burco kaga qaybgalay Xaflad ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu si aad u heersarraysa u soo agaasinta, halkaas oo uu Madaxweynuhu si rasmi ah ugaga dhawaaqay bilowga Sahanka shiidaalka Somaliland oo ka bilaabmay Togdheer. Madaxweynuhu wuxuu munaasibada xafladaa ka soo jeediyey Khudbad Taariikhi ah oo dhinacyo badan taabanaysa taasoo si weyn u soo jiidatay quluubta, maskaxda, indhaha iyo dhegaha ummadda JSL, gudaha iyo dibeddaba. Tusaale ahaan, Madaxweynuhu mar uu ka hadlayey ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee uu Ilaahay dalkeenna ku galladay wuxuu ummadda u iftiimiyey muhiimadda iyo qiimaha uu qaranka u leeyahay Mashruuca baadhista shidaalku. Madaxweynuhu wuxuu shacabka ku booriyey inay lagama maarmaan tahay in aynu ummad ogaanno oo aynu ka gun-gaadhno wixii qadarka Alle dalkeenu khayraadka dabiiciga ah qayb uga helay iyo wixii uu qaniimad dalkeenu hodan ku yahay. Madaxweynaha oo lagu yaqaanno dareen-qaybsi dhab ah oo uu dadkiisa la wadaago iyo u damqasho uu ummadiisa jilicdasan u damqado, ayaa degaanadii uu kormeerka ku marayey waxay shacabku kaga dareen celiyeen isu soo bax iyo soo dhawayn ballaadhan oo ay Madaxweynaha ku qaabileen laga bilaabo Burco ilaa Hargeysa.” Afhayeenku wuxuu xusay inay mar walba jiraan shakhsiyaad iyo kooxo ka soo horjeeda horumarka dalka, waxaanu yidhi; “Madaxweyne Axmed Siilaanyo siyaasdda toolmoon ee uu qarankan ku hoggaaminayo waxa saldhig u ah sidii uu u hirgelin lahaa horumar iyo waxqabad muuqda oo ay ummadeennu dugsan karaan, taasoo noqon doonta dhaxal waara oo ku xardhanaan doona diwaanada taariikhda dahabiga ah ee Madaxweyne Axmed Siilaanyoay ummadiisu ku xasuusan doonaan. Xukuumadda haatan talada haysaa waxay mar walba horseed ka tahay sida ay ku hagaagayaan masiirka iyo mustaqbalka ummadda Somaliland. Dabcan way jiraan kooxo iyo shaqsiyaad iyagu mar walba ka soo horjeeda Hayaanka Horumarka iyo Hiigsiga himilada uu qarankani leeyahay. Sida uu Madaxweynuhu ku sheegay Khudbadii uu ka jeediyey magaalada Burco, farriinta ay Xukuumaddu u soo jeedinayso shicibkeeda waxa weey in aan dheg loo dhigin aragtiyaha iyo afkaarta qaldan ee horumar-diidka ah.” “Sidoo kale waxa iyana reebban oo aan marnaba la aqbali karin in koox ama ashkhaas gaar ahi ay sharciga gacanta ku qaataan. sugidda amniga iyo kala dambaynta waxa u xil saaran xukuumadda, mana jirto cid gor-gortan lagala geli karo ama loo daba fadhiisan karo. Dhinaca kale, Mashaariicda Masiiriga ah ee mustaqbalka dhaqaale ee dalka iyo dadkaba muhiimka u ah fulintooda iyo hirgelintoodaba waa waajib distoori ah oo saaran Xukuumadda iyadaana masuul ka ah,”ayuu yidhi Afhayeen Xuseen Deyr. “Bulshada ku nool degaannada ay ka socdaan Sahaminta shidaalku waxa lagama maarmaan ah in si mug leh loo wacyi geliyo, loo xog warramo, loo sheego dheefta uu mashruucani u leeyahay degaankooda. Degaannada ay ka socdaan Sahaminta Shidaalku waa in laga hoga tusaaleeyo Waddamada dunida shidaalka laga soo saaray siday ahaan jireen ka hor intaan shidaalka la soo saarin iyo heerka horumar ee ay maanta ku tallaabsadeen kaddib markii ay ummadahaasi ogolaadeen in degaannadooda la sahamiyo shidaalkana laga soo saaro. waxaan lagama maarmaan u arkaa in Mashruuc kasta oo meel laga bilaabayo in ummadda la geliyo rajo horumar iyo yididiilo mustaqbal oo ay iska dhex arki karaan, taasi ayaa lagu kasban karaa maskaxda iyo maanka shicibka isla markaana lagaga hortagi karaa aragtiyaha iyo afkaarta qaldan ee horumar diidka ah,”ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyaddu. Xuseen Deyr oo la weydiiyay waxa uu madaxweynuhu geeyay Saaxil iyo Togdheer oo ka mid ah deegaannada abaartu tabaaleysay, waxaannu yidhi; “Madaxweynaha Somaliland oo lagu yaqaanno dareen-qaybsi dhab ah oo uu dadkiisa la wadaago iyo u-damqasho uu ummadiisa jilicsan u damqado, socdaalka isaga iyo weftigiisa qayb bay ka ahaayeen sidii xog iyo xaqiiqo dhab ah looga heli lahaa xaaladha nololeed ee bulshada iyo saamaynta ay Abaaruhu ku yeesheen bulshada Gobollada Saaxil iyo Togdheer. Sidaa darteed, degaannadii uu Madaxweynuhu booqanayey wuxuu Guddida Taakulaynta Abaaraha ee heer qaran si adag u faray in si mug leh ummadda gargaar loogu fidiyo. Guddida Taakulaynta Abaaraha ee heer qaran iyagoo kaashanaya xubno Wasiirro ah oo ay hawlaha abaaruhu sida tooska ah u khuseeyaan, waxay ka hawl galeen isu duba ridka gurmadka iyo gar-gaarka ummadda loo fidinayo, heer Gobol, Degmo laa heer Tuulo.”
WAJAALENEWS DESK Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|