Madaxwayne Donald Trum Ku Dhawaaqay kala Duwanaanshaha Somaliland Iyo koonfurta Soomaaliya Oo Uu Sheegay In Ay Hawlgalo Ciidan ka fulinayaan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Donald Trum Ku Dhawaaqay kala Duwanaanshaha Somaliland Iyo koonfurta Soomaaliya Oo Uu Sheegay In Ay Hawlgalo Ciidan ka fulinayaan.
April 3, 2017 - Written by Editor:

WASHINGTON(W,N) Madaxweynaha cusub ee dalkaasi Maraykanka donald trump ayaa mudadii koobnayd ee uu la wareegay Talada wax ka badaley guud ahaanba Aragtidii hore ee  dalweynaha Maraykanku ka haystey Qaarada Afrika Gaar ahaan Mandaqada Geeska khusuusana Koonfurta Soomaaliya,oo bartilmaameed u ah saldhigyada Afrika ee Argagixisada Caalamka iyo waliba Somaliland,oo kaga duwan khadka u calaamadsan dalkaasi Mareykanka ee dhufeysnimada argagixiso taasi oo dhawaanahan uu kasoo saarey aragtida uu ku kala soocey labada dhinac ee hore isugu ahaa dal kaliya kadib markii uu tix raacey xogaha khataraha istaraatijayadeed ee Warbixinaha xogdoonka Caalamiga ah iyo kuwa Dalka Mareykanka labadaba.

images

Sidoo kale Madaxwayne donald trump ayaa dhawaan ku dhawaaqay in Waqooyiga dalkii hore la isugu odhan jirey Soomaaliya (Somaliland) ay ka jirto daganaansho isamarkaana, aanay ka jirin kooxaha logu yeedho xagjirku.

Halka uu si toos ah geesta kale farta ugu fiiqey Koonfurta Soomaaliya islamarkaana, shaaca ka qaadey  ka dawlad Maraykan ahaan ku dhawaaqday in ay hawlgalo ciidan ka fulin doonaan Gudaha Koonfurta Soomaaliya weeraradaas oo uu ku sheegay in ay ku bartilmaameedsan doonaan kooxaha xagjirka ah ee Alshabaab,oo ay horeba ugu qaadeen weeraro ka dhan ah.

KHARIIRAD

 

Talaabooyinka kasoo kabaxaya Aqalka cad ee looga arimiyo dalkaasi Maraykanka ayaa noqonaya mid guul gaara u ah Madaxbanaanida Somaliland taasi oo ay suurto gal tahay hadii Istaraatijiyad ahaan Maamulka Siilaanyo ka faa,ideysto Fursadan in Dawllada uu hogaaminayo donald trump dhabaha u jeexi doonto nidaam aqoonsi loogaga dalbo Dunida Caalamka.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EAMIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS