|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha JSL Oo Dhambaal Hambalyo ah Udiray Shaqaalaha 1-da May. Awgeed
April 30, 2017 - Written by Editor:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa munaasibada 1-da May awgeed, wuxuu hambalyo iyo bogaadinba u diray dhammaan Shaqaale-Weynaha JSL, meel kasta oo ay ku sugan yihiinba. Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha JSL, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyadoo weliba ay dalka ka jiraan duruufo abaaro baahsan iyo xaalado dhaqaale oo adag. Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaalaha JSL, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankeena u hayaan.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. . Related posts:Wasiirkii Ka Baxsaday Jeelka Muqdisho Oo Gaadhay Magaalada Kismaayo Iyo Sida Loogu Soo Dhaweeyay! Dr. Bulxan oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadal Si Qaldan Loo Turjumay oo Ay Dhibsadeen Shacabka Gobolka ... Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland oo Hambalyo U Diray Ciidanka Qaranka Munaasibadda 18-ka May Awg... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|