|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaarka Berbera Oo Lafilayo In Berri Si Rasmi ah Loogu Wareejinayo Emaaraadka
April 2, 2017 - Written by Editor:Hargeysa(W,N) Wafti ka socda Dawlada Imaaraadka Carabta oo uu Hogaaminayo Wasiirka Duulista ee Imaaraadka Cabtu ayaa Berri Soo gaadhi doonaa Madaarka Berbera, dhanka kale waxa galabta ka ambabaxay Magaalada Hargeysa Wafti Wasiiro ah oo ka kooban iyo Wasiirka Arimaha Gudha, Wasiirka Arimaha Dibada, Safiirka Somaliland u Fadhiya Imaaraatka iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. Labadan Wefti ayaa Berri ku kulmi Doonga Gagida Diyaaradaha Ee Magaalada Berbera Oo ay Dawlada Somaliland ka kiraysay Dawlada Imaaraadka Carabta, Weftiyadan ka kala Socda Somaliland iyo Imaaraatka ayaa si rasmi ah ula kala Wareegi doona, Madaarka oo hada ka dib Imaraatka u noqon Doona Saldhig Milatari. waxa kale oo ay labada Wefti isla eegi doonaan wixii hanti ah ee taala Madaarka, iyo nimaamka ay Imaaraadku ula wareegayaan. Waxa la filayaa inay Guuto Ciidan ah oo ka kooban 300 oo askarta Imaaraatk ahi iman doonaan Saldhiga Berbera Wixii ka dambeeya Bisha bilawga ah ee April ilaa bisha May horaanteeda, siday sheegayaan Wararka ka imanaya Saldhiga Milatari ee Berbera laga hirgalin doono.
Wajaalenews Desk Xigasho Wargayska Waheen Related posts:Waraysigii Ugu Dambeeyay Ee Laga Qaaday Jeneraalkii Lagu Eedeeyay Afgambigii Dhicisoobay Ee Itoobiya DAAWO;Cali Khaliif oo Iclaamiyey Dagaal kuna Afgobaadsadey inuu S/land la geli Doono iyo Arimo kale... Wasiirka-Deegaanka-Somaliland-Oo-Sheegtay-In-Ay-Iyaga-Iyo-Wasaarada-Biyuhu-Ay-Wadaan-Qorshayaal cusu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|