|
|||||
WAJAALE NEWS
Laba Dumar Ah Oo Ka Mida Ganacsatada Xoolaha U Dhoofiya Dalka Jabuuti Oo Ku Xidhan Lawyo Cado, Xadhigoodana Ku Eedeeyay Maamulaha Kastamka,
April 22, 2017 - Written by Editor:LAWYO CADO(W,N) Tan iyo markii dalka sucuudigu uu joojiyay xoolihii ka dhoofi jiray Dekeda Berbera ayay Ganacsatada Haweenka ah ee Xoolahu si wayn uga cabanayaan Cashuur Xad Dhaaf ah oo Ganacsatada Jeeblaha ah ee Xoolaha u iib geeyay Dalka Jabuuti lagu soo rogay iyadoo Laba ka mida Ganacsatada Dumarka ah ay Tacadi kulmayaan Maamulka Kastanka Lawyo-cado ee Wasaarada Maaliyada. ganacsadaa ay ka cabanayaan Xadhig iyo amar ku taaglayn uu kula kaco Maamulka Kastanka Lawya-cado oo dhib wayn ay kala kulmaan mar kasta oo ay marayaan Kastamada kala duwan ee Wasaarada Maaliyada ee ilaa inta la gaadhayo Xuduudada Dalka Jabuuti . Iyadoo Ganacsatada wax ka cashuurta Kastanka Lawyo-cado ay ka cabanayaan in Maamulka Kastanka kula kaco xadhig iyo tacadiyo Dumar ahaan dhib wayn ku ah. Maamulka kastamka lowyo- cado ayaa galabta xadhig sharci daro ah kula kacay xabsiga ku dhigay laba haween oo xiligaa ku sugnaa gudaha magaalada Lawya-cado sida ay noo sheegeen Haweenka Ganacsatada ah ee khadka telefonka kula xidhiidhay Shabakada Wararka wajaalenews.net . Labada Dumara ee ka mida Ganacsatada Jeeblaha ah ee Xoolaha u dhoofiya Dalka Jabuuti oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka wajaalenews.net ayaa magacyadoodu kala yihiin Deeqa Axmed Daahir Cumar oo ka mida haweenka ganacsatada ah ee lagu xidhay lowyo-cado ayaa iyadoo arintaa ka hadlaysa waxay tidhi maamulaha kastamka lowyo-cado ayaa sifo sharci daro oo Calaada ka baxsan nagu xidhay anigoo jooga magaalada markii lana keenay xafiiskiisan wuxu yidhi aniga ayaa awoodayda inigu haysta , Sidoo kale deeqa arimaasi oo ka hadlaysa ayaa tidhi. Waxaan nahay ganacsato Jeeblaha ah oo xoolaha u dhoofisa Dalka Jabuuti kana Cashuurta Kastamka Lowyo-cado ee xoolaha gaar ahaan adhi u dhoofisa Dalka Jabuuti waxaanan maalin walba dalka usoo xaraynaa Cashuur iyadoo Kastamka la noogu Cashuuro xoolaha . Ayaa waxaa intaa noo dheer tacadi iyo awood sheegasho ay nagu hayaan qaar ka mida Maamulayaasha Kastamada kaasi oo uu noogu daran yahay maamulaha kastamkan oo nagu yidhi awood ayaan inigu haystaa sida Maamulaha Lawyacado ee maanta aanu u xidhanahay imika Waqtiga aan kula hadlaayo Waan xidhanahay sidaa waxaa tidhi deeqa. Gabadha kale ee iyana ku xidhan Lowyo-cado ayaa lagu magacaabaa caasha cabdilaahi ibrahim Dhanka kale maamulaha kastamka lowyo-cado oo aanu khadka kula xidhiidhnay ayaa isagu ka gaabsaday in uu nooga jawaabo su,aalo aanu ka waydiinay xadhiga labada Haweenka Ganacsatada ah ee maanta ugu xidhan Lowyo-cado isagoo ku gaabsaday hadalkiisa “iska hubi warkaasi “ gabahaana naga diiday in uu si faah faahsan noogaga jawaabo su,aashii aanu waydiinay,
WAJAALENEWS DESK SOMALILAND OFFICE Related posts:DAAWO;-Sheekh Maxamed Aadan Oo Ka Hadlay Guulaha Ay Somaliland Dhinacyo Badan Ka Gaadhay, Iyada Oo A... Siyaasi Rashiid Jamaac Dhari Oo Bogaadiyay Xildhibaano Baarlamaanka Somaliya Katirsan Oo Taageeray Q... Wasiirka Arimaha Gudaha Oo Amar Adag Ku Soo Rogay Gaadiidka Turuska Leh oo khatar ba,an ku haya b... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|