|
|||||
WAJAALE NEWS
Koox Hubeysan Oo Soomaaliya ku Afduubtay Shaqaale ka Tirsan Haayada Caafimaadka Aduunka Uqaabilsan Qaramada Midoobe.
April 3, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) kooxo hubeysan ayaa gudaha somaliya ka Afduubtay gaadhii ay la socdeen Afar ka mid ah shaaqle ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO. Sida dadka deegaanku u xaqiijiyeen Hiiraan onlie Afduubka waxaa laga geystay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Sidoo kale warka ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in gaadhigan uu ka Ambabaxay Degmada Luuq, kuna wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq. dhinaca kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in afduubka ay geysteen rag ka tirsan Al Shabaab, balse warkaasi si madax banana looma xaqiijin karo. Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen talaalka dabeysha.
WAJAALENEWS DESK XIGASHO HIIRAAN ONLINE Related posts:Wasiirka Biyaha Oo Kormeer Ku Tagay Magaalada Tog Wajaale, Kana Hadlay Halka Ay Marayso Biyo Galintu... Daawo:Bangiga Aduunka Oo Somaliland Ka Caawinaya Tayaynta Shaqaalaha Iyo Qadarka Lacageed ee Ku Baxa... Shirka Doodda Qaran: (Waa la shirayaa, sharaf mooyiye, sharba kuu ma leh) . Qalinkii Boobe, Qormadii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|