Koox Hubeysan Oo Soomaaliya ku Afduubtay Shaqaale ka Tirsan Haayada Caafimaadka Aduunka Uqaabilsan Qaramada Midoobe. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Koox Hubeysan Oo Soomaaliya ku Afduubtay Shaqaale ka Tirsan Haayada Caafimaadka Aduunka Uqaabilsan Qaramada Midoobe.
April 3, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) kooxo hubeysan ayaa gudaha somaliya  ka Afduubtay gaadhii ay la socdeen Afar ka mid ah shaaqle ka tirsan Hay’ada Caafimaadka Aduunka u qaabilsan QM ee WHO. Sida dadka deegaanku u xaqiijiyeen Hiiraan onlie Afduubka waxaa laga geystay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

WHO

Sidoo kale warka ayaa intaasi waxaa uu ku darayaa in gaadhigan uu ka Ambabaxay Degmada Luuq,  kuna wajahnaa Degaanka Maganeey oo qiyaas ahaan 15Km u jira Degmada Luuq.

dhinaca kale Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya, in afduubka ay geysteen rag ka tirsan Al Shabaab, balse warkaasi si madax banana looma xaqiijin karo.

Shaqaalaha la afduubtay ayaa waxaa ay ka shaqeynayeen talaalka dabeysha.

 

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO HIIRAAN ONLINE

COMMENTS
LINKS