Isku Shaandhayntii U Danbaysay Ee Uu Sameeyo Madaxwayne Silaanyo Oo Dajinta Shaxdeedu Gabogabo Maraso Iyo Wasiirada Seeftu Qaadi Doonto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isku Shaandhayntii U Danbaysay Ee Uu Sameeyo Madaxwayne Silaanyo Oo Dajinta Shaxdeedu Gabogabo Maraso Iyo Wasiirada Seeftu Qaadi Doonto
April 16, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)April.16,2017-Isku shaandhaynta mudooyinkan danbe la hadal hayey inuu madaxwayne Silaanyo ku samayn doono golahiisa wasiirada ayaa hadda u muuqata inay marayso meel gabo gabo ah.

Wararka soo baxaya oo aan rasmi ahayn ayaa waxay sheegayaan in seefta madaxwayne Siilaanyo culayskeedu  markan ku dhici doono wasiirada kasoo jeeda gobolka Awdal oo qaarkood xilka laga qaadi doono halka xubno cusubna lagu soo badali doono.

Sida ay xogahani sheegayaan waxa la filayaa inuu golaha wasiirada kusoo biiri doono siyaasi Axmed Muumin Seed oo  hore u ahaa murrashaxii madaxwayne ku xigeenka WADDANI balse lagaga adkaaday  kaas oo ku biirey xisbiga KULMIYE.

Waxaana la filayaa inuu Axmed Muumin Seed uu badali doono laba wasiir midkood kuwaas oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahin Habbane ama wasiiru dawlaha wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Mixile Boqore.

Sidoo kalena wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinra Md Maxamuud Cabdilaahi Cige ayaa isna laga yaabaa  in xilka laga qaado ,waxaana xoguhu sheegayaan in lagu badali doono masuul khabiir ku ah wasaaraddan kaas oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa.

Waxa kale oo uu madaxwayne Siilaanyo doorkan xil ka qaadis iyo isku badal ku samayn doonaa qaar kamid ah agaasimayaasha guud ee xukuumaddiisa kuwaas oo ay soo gali doonaan wajiyaal cusub.Sidoo  kalena waxa iyaguna isku badal lagu samayn doonaa badhasaabada gobolada dalka kuwaas oo qaarkood la filayo in laga dhigo wasiiro.

Xogahan oo Geeska Africa isku dayey inuu wax ka waydiiyo afhayeenka madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr ayaanay noo suurto galin.

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS