|
|||||
WAJAALE NEWS
Gorfeynta Silsilad Maanseedda Miimley-Qaybtii 2aad Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham
April 7, 2017 - Written by Editor:“Qof ahaan, maamuus badan baan u hayaa, guud ahaan maanso-yahannada SIlsiladda Miimley ku jira, gaar ahaanna, walaalkay Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” oo lahaa maansada silsiladdu ka dhalatay. Waan ixtiraamaa, waan jecelahay, qofnimadoodana ma saluugsani. Hasa yeeshee, waxa aan rumaysanahay in aan xaq u leeyahay in aan fikirkooda dhalliili karo, haddii uu qallooc iila muuqdo. Taasi macneheedu maaha in aan necebahay iyo in aan col nahay midna. Wakhtigeeda iyo bisaylkeeda marka la gaadho, laga yaabaa in ay igu hambalyayn doonaan in aan wakhti galiyay oo gorfeeyay fikirkoodii. Silsilad kasta waxa ay leedahay, waayo u gaar ah oo wakhtigu maamulo. Sidaas oo kale, ayay u leedahay dadyow aragti darafyo iska soo hor-jeeda ka kala taagan. Tusaale Boobe iyo Idaajaa aragti kala geddisan ayay ka qabaan, silsiladda Deellay. Sidoo kale isna waxaa Gorfeeyay “Hawd” oo si wanaagsan uga faallooday. “ Cabdinaasir Axmed Abraham. ARAGTIDAYDA QODOBBADA AAN KU SALUUGSANAHAY SILSILAD MAANSEEDDA MIIMLEY Haddii xagga Rabbi laga helo, waxa aan hoos ku qodobbayn doonaa arrimaha aan ku saluugay silsiladda. Kuwaas oo aragtiinkayga sida ay iila muuqadaan aan u soo dhigi doono. 1.01.ASLUUBTA HADALKA AYAY BAAL MARSAN TAHAY SILSILADDANI MA SOGOR-DOHNA Guud ahaan hadalku wuxu leeyahay asluub, sarbeebtuna suugaanta way bishaa, silsiladihii geyiga ka curtay kuwooda ugu farshaxannimada badani waa ay sogor-dohnaayeen. In silsiladda dadku ay is-weydiiyaan ujeedkeeda Iyana xiiso gaar ah ayay dhalisaa. Silsiladdan Miimley hadalka wey qaawisay. Sidoo kale asluubta hadalka ayay ka weecatay. Silsilad kasta kaalin-weyn ayay ku leedahay maansada ay ku bilaabmataa. Miimleyna waxa ay ku bilaabmatay maansada Mudduci ee uu curiyay Xasan Daahir Weedhsame. Labada meeris ee ugu horreeya ayuu nuxurka maansadiisa Xasan Daahir ku caddeeyay. Ka hor inta aanan idin la wadaagin, aan idiin taxo meerisyo kala geddisan oo iila muuqday in si qaawan loo dhigay. “CAKU! MUDANAHAYGII, MOORYAANTU DHAANTOW, DHIIG-MIIRTIHIIYOW! Kii loo mushxaradee, Isna nagu maqnaayee, Quus nagu macsuumoow.” Maansada Mudduci.Xasan Daahir Isaaciil “Weedhsame.” “Dekeddiyo madaarradan, La xaraashay maantana, Ragga macasha waaweyn, Ma marwooyinkoodaa, Diric iyo malkhabadiyo Maryo luugu gadayaa.” Maansada Mitid. Yaasiin Madaale- “Gofaniyo midhcaan jecel, Markii talada loo cugay, Iyagoon midhkaa qaban, Misna gacanta mariyoo, Maadhkii ku kala tagey, Maan-gaabku isa tubay, In ay ugu mushxaradaan, Ayaan maanacee garo.” Maansada Maxas-taba. Faysal Axmed Xaashi. “Masaasalad la dheel inaad tay, Mujuruc la ciyaar gadh yeeshay, Maqaaxi ka oy inaad tay, Wax muujiyay maansadaada, Maalaayacni heesiddaada, Haddaad muran uun aloosto…” Maansada Mudaafac. Warsame Ciise. “Maansooy carruuriyo, Maqal iyo aboor baa, Kugu meehanaabee, Hadday kugu maaleeyaan, Mijo-saar carruuraha.” Maansada Murdiso. Cabdi Cali. Laba arrimood oo aan u tunsanahay in ay sabab u noqdeen qallooca hadalka ee maanso-yahannada silsiladda Miimley ku jiraa, waxa ay kala yihiin; – In maanso-yahannada Silsilad maanseedda Miimley ka qayb qaatay oo u badan raad-barad badankoodana maansadu la weecweecanayso. – In maansada ay ka dhalatay silsiladda Miimley, ee la magac baxday Mudduci ee uu curiyay Xasan Daahir ay aad ugu yar tahay Sarbeebtu. Waxa aan rumaysanahay qaabka uu hadalka u dhigay Weedhsame in uu jaan-gooyay qaab socodka silsiladda. Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhame” wuxu yidhi: “Macal-weynta boobkiyo, Dhaca moodday xoogsiga, Mudanaha dhimbiishiyo, Boolida ku mayracay, Xaaskiyo min-weyntii, Ninka ma-hayo-mooggii, Ubadkiisii maydhnaa, Ku masruufay xaaraan, Anigaa markhaatiya, Mareegaale tuugiyo, Ma naxaan inuu yahay, Wax la yidhi;”Qof muuqdiyo, Middi saawirroo taal, Midna laga ma quustee.” Halkaa haddii aan ku soo dhaafo, meerisyadii aan ka soo qaatay, maansadii Mudduci ee ay ka dhalatay silsiladda Miimley. Waxa aan ku xigsiin doonaa, maansooyin kale oo silsilado ka dhasheen. Bal aan ku horreeyo Maansadii ay ku bilaabmatay silsiladdii Siinley. Waxaan uga golleeyahay in aan fahan ka qaadanno saamaynta maansada silsiladi ka bilaabmataa ay ku leedahay maansooyinka kale ee silsiladda ku jira. AAKHIRO Xuurtoonka mawdkiyo, Xaaladdaa dar moog baan, Soo xusuusi leeyahay, Xawaaraha adduunkiyo, Daray xuuftu qaadaan, Xiisa jabi is leeyahay. Idam Allee xanuunkiyo, Naartaada xoogga le, Inta aad xurmeysee, Ka xorooba aannu noqonnee, Aakhiroy, xaggee baad naga xigtaa? Maalinta xanuunkiyo, Xaqqa mawdku soo galo, Xabaasha iyo iilkaan, Kugu soo xusuustaa, Xiddigaha cirkee sare, Inaad xubin ka mida tahay, Inaad hoos u xulan tahay, Dhulka xero ku leedahay, Maan helin xogtaadee, Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa? In la xaabinaayoo, Adduunyadu xayiran tahay, Aan xawd la reebayn, Waa xarafka Eebbee, Inaad xuuralcayn iyo, Janno iyo xareed tahay, Dhanna xoladdo naariyo, Xanuun iyo dhib uun tahay, Xajiyaay ku maqalnaye, Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa? Inta gabadh xishoodliyo, Nin xariira kugu maqan, Ama geesi kugu xidhan, Xaddi way ka badatee, Inaad xaajo adag iyo, Xisaab leeday maqallaye, Xumaan iyo samaantaa, Xaaladday ku noolyiin, Maan helin xogtoodee, Aakhiroy xaggeebaad naga xigtaa? Xigasho: Yuusuf Cabdale Shaacir. Diiwaanka Silsiladda Siinley. Hargeysa-Somaliland-Sagaljet. Bogga.21-23. Halkaa haddii aan kaga soo gudubno maansadii ay ka curatay silsiladda Siinley ee uu curiyay Cabdi Aadan Xaad “Qays” oo magaceeduna sida kor ku xusan ahaa; Aakhiro. Waxa aan u sii dhaafi doonaa, maanso kale oo iyana silsiladi ka dhalatay, silsiladdaas oo ahayd Deelley. Maansadan magaceeda waxa la yidhaa; DUGSI MA LEH QABYAALADI. Waxa curiyay Marxuun Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye” (AHN) ammin ku aaddan 10.12.1979. Gaarriye goortaa wuxuu ahaa aqoon-yahan ka hawl-gala Akaadamiga. Maansadani waxa ay ka hadleysaa “Dhibaatooyinka iyo naafooyinka ay qabyaaladdu Soomaalida gaadhsiisay. Wali ba wuxu soo noolaynta qabyaaladda ku eedaynayaa Maamulkii markaa jira. Waxa ay ku bilaabmaysaa; Dig dhe deelka maansada, Tixo dur iyo daabac ah, Isku duubni wadarreed, Ha ka dudo shan-xuubluhu! Arrin waa la digogaray, Doonyihii la raran jirey, Markabbaa ka daba yimi, Cirka haadda duushaa, Ka duuduubte samadii, Waxa helay dayuurado, Deja baalashii yidhi, Daacuunki firidhkiyo, Daaniyihii dhaqaalaha, Rag duraa ku soo baxay, Kuwa daafka firidhkiyo, Dableyaasha dhimanow, Digtoonaada way kane! Dersigaygu waa meel, Taariikhda duugga ah, Waxan ugu hor daabacay, Xil damiirku qaadiyo, Waa faral dushayda ah, Qalinkiyo dawaaddaa, Inaan fuliyo ii daran. Nin qabyaalad doojoow, Qoqonnimo waa cudur, Haddii aad dux leedahay, Bal docdaada uun eeg, Inta dumar agoomo ah, Inta darib nin lagu cunay, Inta duul ku qaran-jabay, Waxan uga dan leeyahay, Debec yaa lahaayeey, Maxaa degel ku baabba’ay? Maxaa dhacay ummulo-doox?
1.02.SILSILADDA WAXA KU JIRTA CAY Suugaanta sharafta leh ee gobonnimo hadasha caydu waa ka reeban tahay, mid ka mid ah dhalliilaha ugu waaweyn ee aan u hayo silsiladdan Miimley. Meerisyada hoos ku xusan aan akhriskooda balk u hakanno cabbaar. “Mudanaha Afkeennee, Dadku wada majiirtiyo, Ma-dhallayska liitee, Murankuun yaqaannee, Maanso-yahannadeennii Magacii ka dilayee, Ereyada Malqacaddiyo, Middi lagaga soo jaro. Saaxiibkay malafsade, Macal-cune wuxuu yidhi… Alle maanka kaa qaaq, Muxuu maati soo cunay. “Maansada Mucjiso, Eng. Maxamed Axmed Maxamed. “Hadduu sida mawaashiga, Doqon kugu MACAAC yidhi, Xaal qaado miimyow.” Maansada Murdiso, Cabdi Cali.
“Magac dhawrstii iyo, Dhaqankii masuulnimo, Xilkaskiyo marwaadkii, Maydhaamihiiyoow. Haddaad malabka boolida, Muudsatoo is qari tidhi, Macal cune ma dhuuntee, Kolay muuqan doonee.” Maansada Mudduci. Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” LA SOCO. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|