Gaadhi Uu La Socday Wasiir Cali Mareexaan Oo Shil Baabuur Ku Galay Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Gabiley Iyo Khasaaraha Ka Dashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gaadhi Uu La Socday Wasiir Cali Mareexaan Oo Shil Baabuur Ku Galay Jidka Isku Xidha Hargeysa Iyo Gabiley Iyo Khasaaraha Ka Dashay
April 24, 2017 - Written by Editor:

WajaaleNews (Gabiley):-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Gabiley ayaa waxay sheegayaan in shil baabuur uu ka dhacay jidka isku xidha magaalooyinka Hargeysa iyo Gabiley.

Waxaana shilkan uu ka dhashay sida la sheegay isku dhaca laba Baabuur oo mid ahaan uu la socday wasiirka Hawlaha guud iyo Guryaynta Somaliland Cali Maxamed Xasan “Cali Mareexaan” oo ku wahelinayey safarkan.

Shilkan baabuur ayaa waxa ka dhashay dhaawaca laba xubnood oo gaadhiga la saarnaa wasiir Cali Mareexaan,waxaana shilkaasi baabuur ka badbaaday wasiirka oo isagu aan waxba qabin.

Waxaana Cali Mareexaan iyo xubnahan uu hogaaminayey ay safar kaga soo baxeen magaalada Borama oo ay hawlo shaqo u tageen.WASIIR CALI MAREEXAAN OO SHEEGAY IN UU ISTAAGAY QAADHANKII WADADA CEERIGAABO + MUUQAAL.

Gabagabadiina jidka isku xidha Gabiley iyo Hargeys ayaa waxa laamida ka muuqda burbur iyo dayactir la’aan baahsan,waxaana laamida ka dhex qodmay godad waa wayn oo dhib badan ku haya gaadiidka iskaga kala goosha gobolada galbeedka Somaliland.

 

 

COMMENTS
LINKS