|
|||||
WAJAALE NEWS
DP Wolrd Oo Doonaysa Inay Gabi Ahaanba la Wareegto Dekadaha Gobolka Iyo Damaceega Mustaqbalka Ay La Maagan Tahay Dekadaha!!!
April 6, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA (W,N) Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa doonaysa inay saqiiriso dekadda gobolka ee ay tartami lahaayeen, waxaanay damacsan tahay hadaf fog oo ah in aanay dhaqdhaqaaq badan yeelan dekadaha u dhow dhow dekadeeda caalamiga ah ee Dubia Port Ee Imaaraadka. Talaabooyinka DP Wolrd Damacsan Tahay ayaa ka fog inta Indhaheena arkayaan, Waxaanay u fikiraysa mustaqbalka sidii ay u curyaamin lahayd in dekadaha udhow dakadeedda aanay hana qaadin,taasina waa sababta ay DP wolrd indhaha ugu hayso dekadaha u dhow dhow dekadeeddda sida Somaliland, Soomaaliya, Jabuuti, iyo Yemen. Si ay u fushato danaheega gaar ah iyo mustaqbalka aayaha wadankeeda ayaa ay dajisay qorshayaal fog oo ay doonayso inay kula wareegto,isla markaana gacanta ku hayso dekadaha kulaalaya. Wadanka Imaaraadka waxa kaliya ee la tartami kari lahayd waa dekadda Berbera oo meel caalami ah oo isku xidha bariga fog iyo aduunka kale, taas oo si sahal ah loo maro,isla markaana markab kasta oo aduunka ahi badeedda soo maro, taas oo indhaha caalamka ku hayaan, waxaana hore u deganaan jiray ciidamada Maraykanka, markii damba waxa degi jiray ciidankii Ruushka, waxaanay ahayd dekadda kaliya ee ay usoo baratami jireen quwadaha caalamka ee loolanku ka dhexeeyo. Hadaba dekeddii sidaas ahayd waxay gacanta u gashay Shirkada DP Wolrd, waana Dekadda ay hadda ka faraxalatay ee damaceeddii ay ka lahayd u hirgashay, Inkastoo dekadda Berbera tahay dekad Istiraajiyadda ah oo ilaahay dhigay qoobad caalami ah oo jid u ah dhamaan caalamka, waxa usoo tartamay dekaddo badan oo danaynayey maalgashiga dekadda Berbera, waxaana ka mid ah shirkadaha waaweyn oo doonayey inay maalgaliyaan dekadda sida shirkadda weyn ee galbeedka Afrika iyo caalamka kaleba maalgalisay ee Balore ee Faransiiska ah. Haseyeeshee, Dp wolrd ayaa shirkadan kaga badisay dhaqaalaha badan ee ay laaluushka ku siisay madaxdii u xil saarnayd kala saaridda labadan shirkadood, maadaama oo shirkadan DP Wolrd danno badan ugu jirto gacan ku haynta dekadda Berbera waxay ku bixisay lacag faro badan oo dad gaar ah siinaysay, taasina waxay u sahashay in si fudud oo aan ku fadhiyin xisaabtan mustaqbal loo haneeyo DP Wolrd inay la wareegto dekadda Berbera. DP Wolrd markii ay isku hubsatay la wareegidda dekadda Berbera waxay hadana u wareegtay inay la wareegto dekadda Boosaasa ee Maamulka Puntland taas oo uga faa’iidaysanaysa dhaqaalo xumadda kudhacday, waxaanay lacago badan si toos ah u siisay madaxda maamulka Puntland oo dhibaato badan ka haysto bixinta mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha, kuwaas oo muddo ka badan 12 bilood aanay siinin mushahar ciidanka, waxaana dhawr jeer ciidamadda maamulkaasi sameeyeen gadood ay ku qabsanayaan kastamadda cashuurta lagu ururiyo. Si kastaba ha ahaatee, haddii ildheer lagu eego danaha Shirkadani ku doonayso inay la wareegto dekadaha la jaarka ah waxa ku soo baxaysa in haliso badan iyo dhaqaalo burbur badan ku soo fool leeyahay wadamadan ay dekadahoogii gacanta ku dhigtay. Waxaana iman doonta in dekada Berbera noqon doonta dakadaha ugu adeega xun oo wax horumar ah ka socon doonin, waxaana tusaale kugu filan dekaddii Cadan oo labaatan sanno ka hor la wareegtay iyo halka ay hadda joogto, waxa kale oo iyana tusaale kugu filan dekaddii Jabuuti u maalgalisay oo markii la ogaaday damacadeedda durugsan dib loogala noqday heshiishkii markii hore, waxaana hadda maxkamad iskula jiraan wadanka Ingiriiska dawladda Jabuuti iyo shirkadda DP Wolrd. Sidaas darteed waxa inoo fiican inta la dhow yahay heshiishkaasi lagala noqdo,isla markaana shirkado kale oo inoo maalgaliya la raadsado, maadaama oo dekada Berbera shirkad kasta oo caalami ahi danaynayaan inay maalgashadaan.
WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE WAJAALE STAFF
Related posts:Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo Ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafti ka socday dalka koonfur A... Daawo Sawirada ;Hogaanka Sare Ee Xusbiga Ucid Oo Magaalada Togwajaale Sidiiran loogu soo Dhaweeyay +... War Deg Deg Ah: Madaxwaynihii Suudaan Oo Xabsiga Loo Taxaabay iyo Milatariga Oo Xukunkii La Wareegay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|