Deg Deg:-Budhcad Badeed Somaliyeed Oo Qafaashey Markabkii Saddexaad , Dalka Iska Leh Iyo Halka Ay Ka Soo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Deg Deg:-Budhcad Badeed Somaliyeed Oo Qafaashey Markabkii Saddexaad , Dalka Iska Leh Iyo Halka Ay Ka Soo
April 3, 2017 - Written by Editor:

Wajaale(WN):-Burcadbadeeda Soomaali ah ayaa afduubtay markab shixnada qaada
oo laga leeyahay Hidiya oo ay saarnaayeen 11 shaqaale ah, sida uu ku waramay taleefishinka Hindiya laga leeyahay oo la dhaho Times Now TV.

tmp_29197-IMG_049974-6D861D-7C366C-4F5998-DE1888-AAD12D1332161889

Dhacdada ayaa dhacday Sabtidii lasoo dhaafay ee ay bishu aheyd 01.04.2017 , waxaana markabku waday shixnad uu ka keenay Dubai uuna u waday magaalo xeebeedka Mukala ee dalka Yeman, markii ay afduubteen burcadbadeedu.

Kabtanka markabka ayaa ku wargeliyay haayadaha Dubai in markabka la afduubtay, Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa sidoo kale cadaysay, sida uu ku waramay Times Now TV.

Afduubashada ayaa timid wax ka yar hal bil kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya ay qabsadeen markab saliida qaada oo la dhaho Aris 13 oo ay saarnaayeen sided shaqaale ah oo u dhashay Sri Lanka, balse ay sii daayeen kadib shan beri oo afduubasho ah.

COMMENTS
LINKS