Dadka U Dhimanaya Cudurka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay Magaalada Buuhoodle Oo Sii Badanaya Iyo Magacyada Dad U Dhintay 24 kii Saac Ee U Danbeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka U Dhimanaya Cudurka Shuban Biyoodka Ee Ka Dilaacay Magaalada Buuhoodle Oo Sii Badanaya Iyo Magacyada Dad U Dhintay 24 kii Saac Ee U Danbeeyay
April 7, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(wajaalenews)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn  ayaa waxay sheegayaan in uu soo laba kacleeyey isla markaana ay isa soo tarayaan dadka u dhimanaya xanuunka Shuban Biyoodka oo ka dilaacay deeegaanada Buuhoodle oo ay ka jirto abaar darani.

Waxaana wararka nasoo gaadhayaa ay sheegayaan in xanuunkan ay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ay ugu geeriyoodeen magaalada Buuhoodle Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin haween.

Waxaana sidoo kalena cusbitaalada iyo goobaha caafimaad xanuunka soo ritey u jiifa boqolaal qof oo u badan caruur iyo waayeel kuwaas oo ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan dhakhaatiir wasaaradda Caafimaadku u dirtay deegaanadaasi..

Magacyada saddexdaa qof ee naloo sheegay inay magaalada Buuhoodle ugu geeriyoodeen xanuunka shuban Biyoodka oo laba kamid ah naloo soo sheegay ayaa waxa kala yihiin

  • Saynab Cali Budhyar iyo (Saynab Baasto)
  • Xirsi Oogle Seed.

Gabagabadiina waxa maalinba maalinta ka danbaysay isa soo taraya dadka uu soo ridanayo xanuunkan Shuban Biyoodka ee ka dilaacay deegaanada Buuhoodle,iyaga oo dadkaasina ay wahel la yihiin Hoy la’aan Hu’ la’aan iyo waliba macaluul ay abaarta ku dabada dheeraatay sababtay,waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad deg deg ah.

COMMENTS
LINKS