Dabka ka Kacay Badhtahama Suuqa Ganacsiga Waheen Ee Magaalada Hargaysa Iyo khasaaraha ka Dhashay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dabka ka Kacay Badhtahama Suuqa Ganacsiga Waheen Ee Magaalada Hargaysa Iyo khasaaraha ka Dhashay
April 5, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wararka hada naga soo gaadhaya badhtamaha suuqa ganacsiga ee magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegayaan in Suuqa Ganacsiyeed loo yaqaan Waaheen uu ka kacey dab qaybta hore ee wajahada.

Dabka oo ka dhashey isku dhaca xadhkaha Laydhka ka dib markii ay dabaylo xoogan saacadihii ugu dambeeyey ka dhaceen Magaalada Hargeysa.

Wararka Na soo gaadhaya ayaa xusaya in uu goobtaasi si dhakhso ah usoo gaadhay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto C/laahi Fadal Iimaan kaasi oo si habsami leh u kala hagaayey Ciidamada Dab damiska oo uu goobta uga soo horeeyey kuwaasi oo ku hawlanan daminta dabkaasi si aanu usii gaadhin qaybaha kale ee bacadlaha Waaheen,

waxaana wali badhtamaha suuqa ku sugan Taliye C/laahi Fadal Iimaan,kaasi oo ciidanka iyo shirkadaha laydhka kala shaqaynaya sidii loo hagaajin lahaa gubadkii ka dhashay xadhakaha iyo sidii goobtaasi loo sugi lahaa amaankeeda ku saabsan xadhkaha khatarta badan ee dhex maraaya Suuq-waynaha Waaheen.

 

WIXII KASOO KORDHA KALA SOCO WARARKA DANBE

COMMENTS
LINKS