Daawo:Beesha C/raxmaan Sacad(Sacad Muuse) Oo Dooratay Suldaan Cusub Iyo Waqtiga Caleemo Saarka Oo La Iclaamiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo:Beesha C/raxmaan Sacad(Sacad Muuse) Oo Dooratay Suldaan Cusub Iyo Waqtiga Caleemo Saarka Oo La Iclaamiyay
April 15, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa:(Wajaalenews)-Beesha Cabdiraxmaan Sacad oo kamid ah beelweynta Sacad Muuse, ayaa si rasmi ah u iclaamisay inay doorteen suldaan cusub oo ay beeshu yeelan doonto, kaas oo dhawaan la caleemo saari doono.

Cuqaasha, aqoon yahanka iyo waxgaradka beesha oo shalay warbaahinta la hadlay, ayaa shaaciyey inay Suldaan cusub oo beeshu yeelan doonto u doorteen Suldaan Cumar Ibraahim Muxumed oo kamid ah waxgaradka beesha, waxana ay baaq cod dheer ah u direen beelaha reer Somaliland oo ay ugu baaqeen inay arrimaha reerka u daba fadhiistaan oo kala soo xidhiidhaan suldaanka cusub ee la isla qaatay.

 

Chief caaqil Xasan Axmed Guuleed oo kamid ah cuqaasha guud ee Beesha Cabdiraxmaan Sacad oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa  faahfaahin ka bixiyey suldaanka cusub ee ay doorteen, isaga oo caddeeyey inaanu xeerka beesha ku jirin in dhaxal tooyo suldaanka beesha lagu caleemo saaro, waxana uu yidhi, “Aniga oo kamid ah cuqaasha Cabdiraxmaan Sacad waxan caddaynayaa inaanu suldaan cusub u dooranay Cumar Ibraahim Muxumed oo aanu dhawaan caleemo saari doono, bulshadana waxanu u sheegaynaa in wixii dhaqan ah ee beeshan soo gala ay ninkaas aanu dooranay kala soo xidhiidhi doonaan, haddii aanu beesha Cabdiraxmaan Sacad nahayna annagu xeer baanu leenahay oo xeerkayagu ma laha wax dhaxal tooyo ah, ninku marka uu dhintoona nin cusub ayaa reerka laga dooran jirey, suldaan baana dhintay waxana aanu dooranay suldaan cusub oo reerka ah oo la qiimeeyey oo dhinac kasta laga eegay.”

Xubno kamid ah waxgaradka beesha Cabdiraxmaan Sacad oo halkaas ka hadlay, ayaa baaq u diray beelweynta Sacad Muuse, waxana ay ugu baaqeen inay si dhaw ula shaqeeyaan Suldaanka cusub ee la caleemo saaray, maadaama oo uu Suldaan Cumar yahay suldaanka la doortay oo kartidiisa lagu kalsoon yahay, iyaga oo ku adkaystay in wixii reerka ku saabsan loo daba fadhiisto suldaankaas la caleemo saaray ee ay beeshu ku wada qanacsan tahay.

Cuqaal iyo aqoon yahanka tiro badan oo iyaguna madashaas ka hadlay, ayaa ku adkaystay inay beeshu isku raacsan tahay  inuu Suldaan Cumar ahaado suldaan guud ee beeshu yeelan doonto, iyada oo lagu qancay kartidiisa iyo xeer-dheerida uu arrimaha dhaqanka u leeyahay, waxana ay caddeeyey inuu yahay qof isku wadi kara danaha qaranka iyo kuwa Beesha.

COMMENTS
LINKS