Colaadii Deegaanada Koonfurta Laascaanood oo Durba Soo laba kacleeyay iyo Khasaare Iska Hor-imaad Dhex-maray Ciidanka Qaranka Iyo Maleeshiyo Beeleed Hubaysan, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Colaadii Deegaanada Koonfurta Laascaanood oo Durba Soo laba kacleeyay iyo Khasaare Iska Hor-imaad Dhex-maray Ciidanka Qaranka Iyo Maleeshiyo Beeleed Hubaysan,
April 20, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N):-Wararka laga helaayo magaalada Laacaannood ee xarunta gobolka SOOL, ayaa sheegaaya in Saddex ruux ay ku dhinteen  iska hor imaad dhex-maray Maleeshiyo beeleed hubaysan iyo Ciidanka qaranka Somaliland.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhacay deegaanka Dharkayn-geeyo oo dhinaca Koonfurreed kaga beeggan magaalada Laascaanood, waxaannay wararku sheegayaan in Ciidan beeleed hubaysani ay toogasho u gaysteen Askari ka tirsan Ciidanka qaranka Somaliland ee jiiddaas loo geeyay inay ku kala dhex jiraan laba beelood oo ku dagaalamay deegaankaas.

Ciidanka qaranka Somaliland oo ka cadhooday toogashadda loo gaystay Askariga ka tirsan Ciidankoodda ayaa Weerar ay ku qaadeen Maleeshiyaddaas waxa ay kaga dileen Hal qof, halka

iyaganna uu ka dhintay Askari kale, waxaannay mashaqaddaasi dhacday, kadib markii ay Ciiddammada qaranka Somaliland ay sheegeen inay la wareegayaan Amniga deegaanka Dharkayn-geeyo oo ay hore ugu dagaalameen laba beelood oo deegaankaas ku wada dhaqan, inkastoo ay Ciidanka qaranka ee jiiddaas ku sugani la wareegeen gacan ku haynta Saax-dheer iyo dharkayn-geeyo.

 

COMMENTS
LINKS