Askari ka Tirsanaa Ciidamada Jabuuti oo lagu Dilay Degmada Buula-burte. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Askari ka Tirsanaa Ciidamada Jabuuti oo lagu Dilay Degmada Buula-burte.
April 19, 2017 - Written by Editor:

Xiisada ka dhalay Askari Lagu Dilay Gobolka Hiiraan Iyo Ciidamada Jabuuti oo kaga Dareen Celiyay Rasaas  ay ku furaan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka .

HIIRAAN (W,N) Wararka naga soo gaadhaya degmada Buula- burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta dabley ku hubeysneyd bastoolado halkaa ku toogteen askari ka tirsanaa ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM.

CIIDAMADA JABUUTI

Askarigan ayaa la sheegay in uu ku sii jeeday xero ciidan oo ku taalla dhinaca galbeed ee magaalada.

Hasse ahaatee ciidamada Jabuuti ayaa lagu waramayaa in ay dilka askariga uga shakiyeen ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan degmada Buula-burte sida dad ku sugan degmada inoo sheegeen waxaana ay taa sababtay in ciidamada Jabuuti rasaas ku furaan ciidamo ka tirsan dowladda.

Arintan ayaa la sheegay in markii danbe ay xiisad ka dhax abuurtay labada dhinac, inkastoo haddana xaalad magaalada ay tahay mid degan.

Waa markii ugu horeysay oo rag ku hubeysan bastoolado ku toogtaan gobolka Hiiraan askari ka tirsan ciidamada AMISOM marka laga soo tago khasaaraha ciidamada ka soo gaadhay dagaallada ay la galaan Al-shabaab.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay taliska ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan iyo maamulka degmada Buula-burte intaba.

Wixii warar ah ee arintan ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa..

 

XIGASHO HIIRAAN ONLINE

COMMENTS
LINKS