Afhayeenka Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dambiga Lagu Xidhay Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur Oo kamida Xisbiga Wadani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Afhayeenka Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dambiga Lagu Xidhay Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur Oo kamida Xisbiga Wadani.
April 29, 2017 - Written by Editor:

“Niman abaabulan oo  ka tirsan Xisbiga Waddani oo hoolka Maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii kusoo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan ullo iyo iwm , waxaanay dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”Afhayeenka Ciidanka

Hargeysa (W,N )- Afhayeenka ciidanka booliska  Jamhuuriyadda Somaliland, Ganshaale sare  Faysal Xiis  ayaa ka hadlay xadhiga Siyaasi Cabdillaahi Axmed Daamur oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani kaasi oo ay  shalay ciidanka boolisku xidheen  .

Faysal Xiis oo  u Warameeyey Wariye  Ka Tirsan Bahda HadhwanaagNews Ayaa Xaqiijiyey  xadhiga Siyaasi Cabdilaahi Daamur waxaanu sheegay in ninkaasi uu Xaalad abuur kula kacay dhegaysiga dacwadda loo haysto guddoomiyaha garabka dhallinyarada iyo xoghayaha Ciyaaraha  ee Xisbiga Waddani oo maxkamadda ka socotay , isla markaana uu dil ugu hanjabay taliyaha saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.

afhayeen faysal xiis

“Eedaysanaha xidhan oo loo yaqaan Cabdilaahi Axmed Maxamed Daamur waxa uu si ula kac ah u weeraray taliyaha saldhiga dhexe ee booliska hargeysa Ganshaale Maxamed Ismaciil (Maxamed Case) waxaanu ku yidhi “ xabad ayaan madaxa kaaga dhufanayaa isaga oo sarkaalkaasi ku guda jira xilkii qaranku u igmaday  taasi oo ah mid ka baxsan nidaamka sharciga , markii laga dareeray maxkamadda ayey ciidanku ninkaas kusaa qabteen debadda “ ayuu yidhi

Afhayeenka Ciidanka booliska Somaliland ayaa ka hadlay sida ay ku bilaabmatay arrinta muranka iyo rasaasta dhalisay ee manta ka dhacday  maxkamadda horteeda waxaana uu yidhi

“markii dadweynaha loo fasaxay in ay fadhiistan hoolka Maxkamadda si ay u dhegaystaan dacwadda labad Eedayse ee kala ah Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Yoonis Axmed Yoonis waxaa buuq iyo sawaxan halkaa ka bilaabay nimankii ka socday xisbiga Waddani oo ay ka mid ahayeen kuwii shalay saxaafadda la hadlaayey iyaga oo u adkaysan waayey eedii uu kusoo oogay Xafiiska Xeer ilaalinta qaranku”

Faysa Xiis ayaa sheegay in ciidanka lagu soo qaaday weerar loo adeegsaday dhagaxaan iyo ullo islamarkaana uu dhawaac ka soo gaadhay qaar ka tirsan ciidanka

“niman abaabulan oo  ka tirsan xisbiga Waddani oo hoolka maxkamadda fadhiyey waxa ay ciidankii kusoo qaadeen weerar ay u adeegsadeen dhagaxaan ullo iyo iwm , waxaanay dhaawacyo u gaysteen qaar ka tirsan ciidanka booliska”

Ugu danbayntii Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliland Ganshaale Sare Faysal Xiis ayaa fariin u diray guud ahaan Madaxda iyo xubnaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani waxaana uu yidhi

“ waxaan leenahay war ha noqonina hasha geela cunta ee cabaada , war iska daaya ciidanka booliska oo noqda sida axsaabta kale

COMMENTS
LINKS