Xukuumada Oo Xabsiga U Taxaabtey Dhalinyaro Gancasato Ah Oo Buskud Iyo Sharaab Ka Keena Dalka Hindiya Waa Maxey Sababta Loo Taxaabey? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Oo Xabsiga U Taxaabtey Dhalinyaro Gancasato Ah Oo Buskud Iyo Sharaab Ka Keena Dalka Hindiya Waa Maxey Sababta Loo Taxaabey?
March 17, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Waxa xabsiga loo taxaabay laba kamid ah dhalinyarada Shirkada B&H Foods oo kamid ah Shirkadaha sharaabka iyo buskudka keena dalka iyadoo,taxaabistoodu ka dambeysay kadib markii ay ka dacwootey Shirkada Alxarbi,oo qoonsatey Buskud ay dalka keenaan oo Walad layidhaa maadaama shirkadaasi hore u keeni jirtey buskudka loo yaqaan Abuwalad.

Waxaana xadhigooda lagu xidhiidhinayaa qoraal kasoo baxey Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland,Maxamuud Warasme Jaamac oo isagu soo saarey qoraal uu ku horjoogsanayo Ganacsiga Shirkadan B&H Foods gaar ahaana Buskudka WALAD ee laga keenay dalka Hindiya oo ay ka dacwootey Shirkada Alxarbi Tarading Company oo iyagu hore dalka u keeni jirey Buskudka ABU-WALAD oo laga keeno dalka Yemen,waxaana albaabada loo xidhay xaruntii Shirkada cusub ee Ganacsatada dhalinyaarada ahi ku lahaayeen Caasimada Hargeysa.

buskud

Mar aanu isku daynay in aanu khilaafkan la xidhiidha Ganacsiga Buskudka ABU-WALAD iyo WALAD wax ka weydiino Wasiiru Dawllaha Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Maxamuud Jaamac Warsame,iyo qoraalka uu ku horjoogsadey in dalka la keeno buskudka WALAD noomay suurtagalin maadaama uu qaban waayey Telefoonkiisa gacanta ee moobilka ah,sidoo kalena Shirkada Alxarbi ayaaney noo suurtaglin in aanu arintan wax ka weydiino.

Qeybo kamid ah dhalinyarada Ganacsatada ee Shirkada B$H ee dalka hindiya ka keena Sharaabka iyo buskudka Walad ayaa sheegay in ay xaqdaro u arkaan talaabada lagula kacey in ay tahey mid ka hor imaneysa nidaamka Ganacsiga xorta ah islamarkaana, lagula kacey tacadi iyo awood sheegasho loogu muquuninayo Shirkada Alxarbi Tarading Company oo aaney la itaal aheyn,iyagoo si aad ah uga dacwoodey Wasiiru Dawlaha Waraada Gancsiga oo ay ku eedeeyeen in uu soo saarey qoraal bilaa sumad ah.

 

 

HARGEYSA

WAJAALENEWS DESK

XIGASHO HADHWANAAG NEWS

COMMENTS
LINKS