Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta Oo Si kulul U Weeraray Xildhibaan Xasan Cawaale Sheegay Inuu Qaranka Ceeb U Soo Jiiday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Kuxigeenka Qorshaynta Oo Si kulul U Weeraray Xildhibaan Xasan Cawaale Sheegay Inuu Qaranka Ceeb U Soo Jiiday.
March 3, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) In kasta oo ay kaa xigto Shilimaad yar oo lacag ahi inaad TV yada soo hor fadhiisto oo ay kaa duubaan wax kasta oo aad ku hadasho khalad iyo sax ka dibna ay baahiyaan, iyaga oo aan tixgelinayn ummada daawanaysa. Hadaba waxaan amakaag igu riday markii aan daawaday mid ka mid ah dadkaas bilaa xuduudka ah oo TV yada u yeedhay oo ku Qarwaya Farmaajiyow Fal baad ku timi, Farmaajiyow Dawlada fiican ee Itoobiya Nabadgeli, Farmaajiyow laad baan kula dhacaynaa ….Illeyn anagaa wax aragnay.!

goormuu noqday Afhayeenkii Itoobiya iyo Somaliland ?

Kan iyo Kuwa la midka ah ee Jinni- Boqorka ah waxaan u soo jeedin lahaa inay Ummada ka xishoodaan oo ay joojiyaan Nusqaanta ay inoo soo jiidayaan habeen iyo maalin kasta.

Dalka Somaliland waa Qaran Jirrido adag ku taagan oo Maamula Xuduudihiisa Dhulka, Cirka iyo Badda oo aanay jirin cid hadidi karta ama wax yeelli karta oo Qaarada Afrika ku nooli, Waana Dal Miisaan weyn oo aan la dhayalsan karin ku leh Geeska Afrika.

WASIRKUXIGEENKA QORSHAYNTA KAYSAR

COMMENTS
LINKS