War Deg-Dega:Wiil Dhalinyaro Ah Oo Mar Dhawayd Isku Daldalay Magaalada Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg-Dega:Wiil Dhalinyaro Ah Oo Mar Dhawayd Isku Daldalay Magaalada Hargaysa
March 5, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee waxaa caawa abaaro sagaalkii fiidnimo isku daldadalay xaafada Satatehouseka ee Magaalada Hargaysa wiil dhaliinyaro ah oo lagu magacaabi jiray xasan Yamani.

Wiilkan oo 20 jir ahaa ayaa sida la sheegay isku daldalay geed ku horyaal xaafadooda ayaa goor danbe la arkay isaga oo maydkiisu ka laadlaado geedka uu isku daldalay oo aan ka fogayn gurigooga.

Wiilkan yar oo dhalinyarada ah ayaa ka mid ahaa ardaydii ka qalin jabisay sanadkii 2016 dugsiga Faarax Omaar  balse aan awood u helin in uu galo wax Jaamacad ah waxaanay wararka naga soo gaadhayaa  ay sheegayaan in wiilkan is daldalay  walaalkii isaguna dhawaan ka mid ahaa toban dhalinyaro ah oo ka tahriibay xaafada Statehouseka ilaa hadana aan la ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee dhalinyarada Somaliland ayay soo wajahday duruufo badan oo qalafsan iyada oo ay ka sii dartay intan ay xukuumada Kulmiye qabsatay hogaanka dalka

 

COMMENTS
LINKS