|
|||||
WAJAALE NEWS
WAR DEG DEG AH: Nin Ku Hubaysan Tooray oo Weeraray Xarunta Baarlamaanka Ingiriiska.
March 22, 2017 - Written by Editor:London,(Wajaalenews) Nin aan wali la aqoonsan ayaa middi iyo gaadhi ku weeraray xarunta Baarlamaanka Ingiriiska ee magaaladda London. Ninkan ayaa ka hor inta aanu midada isticmaalin gaadhigiisa jiidh siiyey dadkii dariiqa marayey, ka dibna ku soo leexiyey dhismaha baarlamaanka Ingiriiska, waxaana wararku sheegayaan in askari xarunta baarlamaanka joogay Toori ku dhuftay ka dibna rasaas lagu furay oo isla goobta ku geeriyooday. Ninkan mididda sitay ayaa gaadhiga jiidhsiiyey dad lagu sheegay illaa 12 qof inkastoo wali warar faahfaahsan laga bixin, waxaana lagu jira xaalad degdeg ah, waxaana xildhibaanadda iyo dadkii joogay xarunta baarlamaanka lagu armay in aanay ka soo bixin, maadaama oo shaqo ka socotay Baarlamaanka.
Related posts:Maxkamada Racfaanka Gobolka Hargeysa Oo Bilawday Dhagaysiga Dacwada loo Haysto Masuuliyiinta Wargeys... Madaxtooyada oo ku fashilantay Qafaalashada mid kamid ah xubnaha guddida fulinta ee ururka Jiidali Madaxwayne Farmaajo Oo Sheegay In Uu Diyaar Uyahay Doorasho La Qabto, Taageerayna Go,aankii Maamul G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|