Wada Hadaladii U Socday Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Si Rasmi ah Saaka Uga Furmay Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wada Hadaladii U Socday Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo Oo Si Rasmi ah Saaka Uga Furmay Dalka Jabuuti
March 25, 2017 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)March.25,2017-Waxa saaka si rasmi ah magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti uga furmay wajigii saddexaad ee wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo,kaas oo loo balansanaa inuu furmo 20 bishan aynu ku guda jirno balse dib u dhacay.

Waxaana kulankan xaadir ka ah masuuliyiinta labada dhinac ka socda oo ay kala hogaaminayaan gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo  hogaaminayo dhinaca dawlada Somaliland iyo gudoomiyaha baarlamaanka Kooxda Khaatumo Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

Wada hadalkan saaka u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa loo  ballansanaa inuu furmo 20 bishan aynu ku jirto balse waxa uu dib u dhacay muddo afar maalmood ah kaas oo maanta si rasmi ah u bilaabmay,waxaana wada hadalkan uu noqonayaa sida la filayo mid ka qodobo duwanaada wada hadaladii hore ee uga bilaabmay dawlada Itoobiya iyo Jabuut.

Gabagabadiina bulshada Somaliland ayaa iyagu aad ugu dhaga taagaya natiijada kasoo baxda wada hadalada u bilaabmay dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo.

 

COMMENTS
LINKS