|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir Oo ka Hadlay Mudo Kordhintii Ay Golaha Guurtidu Sameeyeen Soona Jeediyay In Si Deg Dega Loo Kala Diro.
March 8, 2017 - Written by Editor:“Golaha Guurtida, Waa In Gabigoodaba La Kala Diraa, Waa In La Bedelaa, Oo Aanay Golaha Sii Joogin”… Suldaan Maxamed Cabdi Qaadir. Niman kaasi inay madaxa wax isku galiyaan mooye, waxba ma hagaajinayaan, kuwana dadka Guurti u noqon mayaan, ee in la bedelo Hargeysa (W,N)-Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi ayaa ka hadlay muddo kordhintii ay Guurtidu u sameeysay Xukuumadda, Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, waxaanu sheegay in aanay haboonayn in Guurtidu wax ka bedesho heshiiskii Xisbiyada ee Komishanka iyo Madaxweynuhuna la ogaayeen. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdilaahi oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa yidhi “Golaha Guurtida, waa in gabigoodaba la kala diraa, waa in la bedelaa, oo aanay Golaha sii joogin, maxa yeelay arinta ay ansixiyeen arin lagu murmo may ahayn, suurtagalna may ahayn inay wax ka bedelaan, maxaa yeelay Xisbiyada ayaa ka tashaday, oo ka heshiiyey, Komishanku wey la ogaayeen, Madaxweynaha Qarankuna raali buu ka ahaa, markaas waxay ahayd inay sidaas ku ansixyaan, ee may ahayn inay wax ka bedelaan” Suldaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “markaas inay madaxa wax isku galiyaan mooye, waxba ma hagaajinayaan, kuwana dadka Guurti u noqon mayaan, ee in la bedelo ayey u baahan yihiin”. Related posts:DAAWO; Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa Oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyadii Golaha+Tirada kasoo Xaa... Qaarkamid Ah Madax dhaqameedka Gobolka Awdal Oo Ka Hadlay Mawqifka Ay ka Taagan Yihiin Jabhadaha. Ciidanka Dab Damis Magaalada Ceerigaabo Oo Laba Nin Oroma Kasoo Badbaadiyay Ceel Biyood Ay Ku Dhacee... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|