Sir Culus; Maxaad kala Socotaa Sida Kooxda Xukuumada Siilaanyo Ugu Awooda Badan Iyo xubnaha ka Agdhow ay u Qaybsadeen Dhulkii Dekeda Berberba Iyo Shakhsiyaadka Xayndaabtay Goobaha Ugu Muhiimsan. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sir Culus; Maxaad kala Socotaa Sida Kooxda Xukuumada Siilaanyo Ugu Awooda Badan Iyo xubnaha ka Agdhow ay u Qaybsadeen Dhulkii Dekeda Berberba Iyo Shakhsiyaadka Xayndaabtay Goobaha Ugu Muhiimsan.
March 13, 2017 - Written by Editor:

BERBERA (W,N) Tan iyo mudadii xukuumada siilaanyo la wareegtay talada dalka oo xiligan xukunka ku haysa mudo kordhintii labaad ee loo sameeyo ayaa waxaa maalinba maalinta ka danbaysa dibada u soo baxaya boobka,musuq maasuqa, qaraabokiilka iyo dhaxal wareejinta ay ku wareejinayso goobihii dalka ugu muhiimsanaa. waxaa dhamaan arimahan Bahalnimada ah ee caadaysashada boobka hantida umada  safka hore kaga jira xubnaha ugu awooda badan xukuumada siilaanyo iyo shakhsiyaadka ka hoos shaqeeya.

Hadaba arimahan aanu kor kusoo sheegnay ayaa la kowsaday mudo xileedkii madaxwayne siilaanyo shacabku u doorteen hogaaminta dalka waxaana mudadaasba si qaawan loo boobay danta guud ee umada  meelaha sida xooga ah  looboobayna waxaa ugu badan  hantidii shacabka iyo khayraadkii dalka waxaana si gaara loo bartilmaameedsaday  magaalo xeebeeda Berbera ee  xarunta gobolka Saaxil oo hoy u noqotay xubnaha ugu musuq maasuqa badan xukuumada siilaanyo, Sidoo kale waxaa shacabka gobolka saxil lagu jaho wareeriyay in dekedii iyo madaarkiiba lagu samayso maalgalin shisheeye iyadoo dekeda hore loogu wareejiyay shirada DP ee laga leeyahay dalka  Emaatka carabta sidaas si la mid ahna  xiligan lagu talo jiro In la raaciyo madaarka wayn ee magaalada Berbera oo isna lagu wareejinayo xulufada emaaraadka carabta Wallow aanay jirin wax shacabka loo soo bndhigay oo u eeg heshiis amaba wax talaabo ah oo laga qaaday arimihii ay sheegeen ee ahaa in Berbera laga samaynayo mashaariico horumarineed iyo shaqo abuur balse xiligan ay ka taagan tahay arimo cakiran oo ka dhex bilaabmay shaqaalihii dekeda iyo madaxda ay shirkadu keensatay oo durba kula kacay talaaboyin lidku ah maslaxada shaqaalaha dekeda ka shaqeeya.

Dhanka kale arimahan ay xukuumada siilaanyo ku dhaxal wareejinayso ilihii dhaqaalaha ee dalka waxaa barbar socotay boob baahsan oo lagu hayo dhulkii dekeda Berbera ku xeernaa ee ay sheegeen In laga samaynayo deked cusub oo ay shirkadani maal galinayso waxaana xiligan soo shacbaxaya xogaha iyo muuqaalada laga helayo sida loo qaybsaday gabi ahaanba dhulkii banaanaa ee ka ag dhawaa dekeda.Dhulkan dekeda ku xeeran ayaa badi waxaa la siiyay xubno ka mida qoyska madaxtooyada , siyaasiyiiin lagu naasnuujinayo, ganacsato, midka mida murashixiinta xiligan u tartamaya talada dalka iyo sidoo kale xubno iyaguna ka tanaasulay hankoodii Dhamaan shaqsiyaadka ka qaybqaatay boobka Magaalada  Berbera ayaa iyagu xiligan qaarkood dayrar ku samaysteen dhulkii la siiyayy oo ay kamid tahay NOOBIYADII BERBERA OO LASII GANACSATE , DHULKII TAAR DHEER IYO MEELO KALE OOO MUHIIMA LA SOCOTO

Wajaalenews

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS