|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Oo Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Ka Bilowday Dhegaysiga Dacwad Xaasaasiya
March 13, 2017 - Written by Editor:Hargeysa, (W,N) – Gudaha Jeelka Dhexe ee Hargeysa, ayaa waxa ka socota Dhegaysiga Dacwad xaasaasiya. Dacwaddan oo ay qaadayso Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex isla-markaana ah tii ugu horeysay ee nooceed ah ee Xabsiga dhexdiisa lagu dhegaysanayo, ayaa la sheegay in lagu oogayo Rag loo haysto Argagixiso-nimo. Sidaana waxa Wargeyska Himilo u sheegay Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah, kuwaasi oo intaa ku daray in Dacwadda dhegaysigeedu bilaabmay lagu qaadayo Sagaal Nin oo dhammaantood ku eedaysan Argagixiso-nimo. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Sagaalka Nin ee Dacwaddooda Maxkamaddu dhegaysanayso loo haysto Abaabulka, Taakuleynta iyo Dhismaha Al-Shabaab. Raggan oo muddo ku xidhan Jeelka dhexe ee Hargeysa, ayaa waxa Ciidammada Ammaanka ee Somaliland ka soo qab-qabteen Magaalooyinka Somaliland qaarkood, gaar ahaan Hargeysa iyo Boorama. Maxkamadda ayaa Axaddii Shalay fadhigii labaad ee dhegaysiga Dacwaddan u fadhiisatay, waxaana loo ballamay fadhi Saddexaad, kaasi oo la filayo in Maxkamaddu Go’aan ku soo saarto. Dacwaddan oo xaasaasiya awgeed, ilaa hadda ma jirto Cid si toos ah uga hadashay.
XIGASHO WARGAYSKA HIMILO Related posts:Wararkii Ugu Dambeeyay Tiyatarka Hargeysa Oo Dablay Hubaysan Iyo Ciidanka Boolisku Isku Rasaseeyeen. Xoghayaha Arimaha Dibada Ee Xusbiga Ucid Oo Sheegay in Aan Cali Gurey Xilka Qaadi karin Sharciyan; DAAWO; fadeexada ka Dhalatay Buuq Iyo Sawaxanka Xoghayaha + Cidhiidhsiga Waran cade Iyo Dhawaaqa Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|