|
|||||
WAJAALE NEWS
Magacyada Laba Gabdhood Oo Walaalaha ah Ee Uu galabta Qaaday Dooxa Dacar Budhuq,
March 26, 2017 - Written by Editor:Hargaysa (wajaalenews) Alle ha u Naxariis Waxaa Galabta Daad kasoo Rogmaday dooxa wayn ee Dacar Budhuq Una dhexeeya Magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera uu qaaday gaadhi ay saarnaayeen laba gabdhood oo walaalo ah isla markaana uu sobobay khasaaraha ah in ay ku nafwaayeen labadii gabdhodba. Labadan hablood ee walaalaha ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Marxuumad Foosiya Maxamed Yusuf Iyo Asma Maxamed Yuusuf,iyaga oo labada hablood mid ka mid ahi ka tagtay afar caruura halka takalana aanay lahayn wax ubad ah. Labadan hablood ee walaalaha ah ayaa ka soo baqoolay dhinaca magaalada Berbera iyaga oo u soo jeeday dhinaca caasimada Hargaysa INAA LILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN Related posts:Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Jsl Oo Ka Warbixiyay Qaab Casriya Oo Ay Gaadiidka ... DAAWO;-Maamulka Gobolka Gabiley Oo Dhagax Dhigay Mashaariic Tiro Badan Oo Ay Dawlada Hoose Hirgalina... DAAWO;-Wasiirka Ganacsiga Jsl Saajin Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabay Su,aal Laga Waydiiyay Sixir Barark... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|