Loolanka Loogu Jiro Gudoomiyaha Mustaqbal Xisbiga Kulmiye Oo Ololihiisu Istaadhmay Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Shir Haweenka Xisbiga Maalinta Bari ah Lagu Qabanayo Magaalada Hargaysa!!! . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Loolanka Loogu Jiro Gudoomiyaha Mustaqbal Xisbiga Kulmiye Oo Ololihiisu Istaadhmay Iyo Waxa Uu Daaran Yahay Shir Haweenka Xisbiga Maalinta Bari ah Lagu Qabanayo Magaalada Hargaysa!!! .
March 31, 2017 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) HOT NEWS; Tan Iyo mudadii uu xisbiga kulmiye ku guulaystay talada dalka oo hada laga joogo mudo ku siman 7sano ayaa waxaa la bilowday khilaafyo culus oo hadheedhay mustaqbalkii xisbul xaakimka kulmiye kaasi oo u dhaxeeyay  Hadba  kooxo isku haysta awooda xisbiga iyo sida ay isku xulufaysanayaa oo marwalba daaqada ka saarta xubno miisaan culus ku lahaa xisbiga horena u  sobobtay in ay meesha ka baxaan taasi  kala adkaanshaha xubnaha ku loolamaya doonista hogaanka xisbiga oo amrwalba  si qabiilaysan loogu hirdamayo,

kooxda ishaysa 1

Hore ayay khilaafka murashaxa xisbigu uu u wiiqay awooda xisbiga Taasi oo mudo Hirdan adagi u dhexeeyay  gudoomiyaha xisbiga ee xiligan ahna murashaxa xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo shaqkhsiyaad miisaan culus ku lahaa xisbiga kumiye oo iyagu ahaa aas aaskiisayaashii na lahaa in ay hab beelaysan mudo ugu loolamaan cida noqonaysa musharaxa xisbiga, xubnahasi oo uu hormuud u ahaa wasiirkii hore ee Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ,Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis iyo sidoo kale wasiiro Tiro  badan oo iyagu la mawqif ahaa xubnahan ay mar qudha  xukuumada ka huleelaan kaidb markii sifihii  lagu dooranayay musharaxa xisbiga loo maray sifo ay iyagu saluugeen aakhirkiina sobobtay in gabi ahaanba dibada uga baxaan xayndaabkii xisbiga iyo xukuumadaba.

muuse iyo kaahin

Dhanka kale wakhtigan aynu ku jirno ayaa waxaa maalmihii u danbeeyay soo ifbaxay loolanka loogu jiro gudoomiyaha mustaqbalka xisbiga murashaxa xiligan dabadii kaasi oo hirdankiisu uu  u dhexeeyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga Muj Maxamed Kaahin Axmed ,Afhayeenka Xisbiga Xasan Gaafaadhi iyo sidoo kale Wasiirka Madaxtooyada Maxamud Xaashi Cabdi oo isagu xiligan ah shakhsiga ugu ololaha culus xubnahan aan kor kusoo sheegay ,

Dhamaan masuuliyiintan ayaa doonistoodu tahay gudoomiayha xisbiga kulmiye kadib doorashada soo socota kaasi oo isna ku salaysan sidii Muuse Bixi loogu wareejiyay oo kale .

muuse iyo maxamuud

Waxaana mudooyinkan danbe socday ololahan doonista kursiga gudoomiye nimo kaasi oo ololihiisu Uu U socday si huursan balse waxaa xiligan dibada u soo baxay kala urursiga masuuliyiinta xisbiga iyo sidii loo kala kasban lahaa qabaa,ilka xisbiga Kulmiye ku jira kaasi oo maalinta bari ah la filayo in uu shir balaadhan magaalada Hargaysa ku qabto wasiirka madaxtooyada oo sida wararka aanu ka helaynaaa tibaaxeen la kulmi doona haween waynaha xisbiga Kulmiye

Macada arimaha talaabadan soo dadajisay balse dhawaan ayay ahayd markii shirkan bari mid lamida ay qabteen xubno  uu dabada ka waday gudoomiyaha xisbigu muuse biixi oo ujeedadooduna ay daarnayd kala urursiga xildhibaanada xisbiga  uuna ka maqnaa wasiirka madaxtooyadu sidoo kale waxay wararku ay intaa ku dareen in arimaha uu uga baaqday aanay ka maqnayn talaabooyin uu saluugay oo xiligan keentay in uu shir gaara  la yeesho  haweenka xisbiga laguna qaban doono hoolka green plaza ee magaalada hargaysa,

 

Si kastaba ha ahaatee waxaan la hubin in uu shirkan kasoo qaybgalayo gudoomiyaha xisbigu iyo inkale waxaana laga warsugi doonaa halka uu cago dhigo khilaafkan cusub ee xiligan ka dhex dilaacay hogaanka xisbiga kulmiye iyo midka mida  wasiirada ugu awooda badan xukuumada siilaanyo.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS