Halkan Ka Akhriso Magacyada Dadkii Ku Dhintay Doontii Uu Madfacu Ku Dhacay Xeebaha Dalka Yemen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkan Ka Akhriso Magacyada Dadkii Ku Dhintay Doontii Uu Madfacu Ku Dhacay Xeebaha Dalka Yemen
March 18, 2017 - Written by Editor:

Hargaysa(Wajaalenews)Waxaa la helay magacayada qaar ka mid dadkii ku dhintay Doon ay ku socdaalayeen Badda Cas oo diyaarad Helikobtar ah ay duqeysay. Qaxootiga Soomaalida ee weerarkaas ku geeriyooday ayaa sare u dhaaftay 42 qof, waxayna u badnaayeen dad kasoo jeeda degaanada Hargeysa, Burco iyo Laascaanod. 1:Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 2:Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho)

3:Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood (Dhimasho) 4:Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood (DHimasho)

5:Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin.

6:Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay.

7:Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho) 8:Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco (Dhimasho)

9:Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood. 10:Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas kana soo jeeda laascaanood.

11:Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood.

12:Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa (Dhimasho) 13:Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco (Dhimasho) 14:Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac

 

COMMENTS
LINKS