HALKAN AKHRI; Tirada Mudo Kordhineed ee Golaha Guurtidu Ansixiyey 1995 ilaa 2015. W/Q: Cali Cabdi Coomay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
HALKAN AKHRI; Tirada Mudo Kordhineed ee Golaha Guurtidu Ansixiyey 1995 ilaa 2015. W/Q: Cali Cabdi Coomay
March 4, 2017 - Written by Editor:

Muddo Kordhintii Koowaad ee 1995

Markii dawladdii Maxamed X. Ibraahin Cigaal lagu soo doortay magaalada Boorama horaantii Sannadkii 1993 ee ay dhammaatay muddadii xilka loo doortay oo ahayd muddo saddex sanno ah, balse uu socday dagaalkii Sokeeye ee bilaabmay dabayaqaadii sannadkii 1994-kii ayey Golaha guurtidu kulan ka yeesheen sidii loo qiimayn lahaa xaaladda dalku marayo. Waxaana la soo jeediyey inaanay marnaba dhacayn doorasho, maadaamo oo lagu jiro xaaladda amaan-darro ah.

Kulankaasi golaha guurtida waxa ka soo baxay muddo kordhintii koowaad ee golaha guurtidu u sameeyaan dawladda Somaliland waxaana M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal loo kordhiyey muddo dhan sannad iyo badh. 1995-kii ilaa 1996-kii ayaa la kordhiyey. Horaantii sannadkii 1997-kii waxa loo dareeray doorashadii shir-Beeleedka ee ka dhacday Hargaysa gaar ahaan guriga shaqaalaha.

Muddo Kordhintii Labaad ee 2001-dii

Markii labaad ee muddo kordhinta loo sameeyey dawladdii M/weyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal ahaa ahayd muddo dhan sannad. Taaso ka bilaabmaysay 2001-dii ilaa 2002-dii. Sidii hore oo kale sababaha loo cuskaday muddo kordhinta ay golaha guurtidu samaysay waxa lagu sheegay dhawr arrimood oo ay ugu mihiimsan yihiin

 Guddigii diiwaangelinta lama samayn, si dadka codaynaya loo ogaado

 Xuduudihii dalka lama wada gaadhin

 Xaalada dalka oo weli ku jirta amaan-daro, maadaama oo Burco lagaga dhawaaqay gole Salaadiin iyo siyaasiin isugu jirta.

Markii ay Golaha Guurtidu arrimahaasi soo bandhigeen ayey go’aamiyeen muddo kordhintaasi.

Muddo Kordhintii Saddexaad ee 2008-dii.

Sannadkii 2003-dii ee la doortay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin, muddo xileedkiisu wuxuu ku dhammaa 2008-dii. Markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, ayay guurtidu kal-fadhi yeesheen lagaga doodaayey ajande ah muddo kordhin loo sameeyo xukuumaddii Daahir Riyaale. Go’aanka muddo kordhinta oo summaddiisu ahayd GG/JSL kal-fadhi 35-aad, go’aan Lr 04/2008-dii, soona baxay 13-kii Abriil 2008-dii, ujeedada kal-fadhiga ayaa ahayd muddo kordhin. Waxa madasha fadhiyay 65 xildhibaan oo guurti ah, waxa la gudo-galay cod u qaadistii, waxa oggolaaday 61 xubnood, waxa ka aamuusay 3 xubnood, waxaana diiday 1 xubin ah. Sidaasi ayaa xukuumaddii Riyaalae loogu kordhiyay ilaa 6-da May ee Sannadka 2009-ka.

Muddo kordhinta Afraad ee 2009-kii

M/weyne Daahir Riyaale ayaa soo dalbay muddo kordhin dambe, balse wuxuu si xeeladaysan u soo dhigay muddo kordhin loo sameeyo. Warqaada dalabka ah ee M/weyne Riyaale soo qoray ayuu ku sheegay in la is-waafajiyo xilliga ay guddiga doorashooyinka u qabteen inay doorashadu dhacdo iyo sidii xukuumada sharci kursiga ugu fadhiyi lahayd.

Laakiin golaha guurtida ayaa dalabkaasi kal-fadhi ka yeeshay, waxaana soo xaadiray 79 xubnood ka dib waxa la gudogalay cod u qaadis gacan taaga ah ee muddo kordhinta, 42 xubnood ayaa ogolaaday, 35 xubnoodna way diideen. Sidaasi ayay ku ansaxday muddo kordhintii labaad. Labadaasi goor ee guurtidu u kordhisay M/weyne Daahri Riyaale waxay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad, firqadiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada oo ay ku sababayeen nabadgeliyo daro awgeed iyo inaanu dalku ku dhicin bilaa dawlad.

Muddo Kordhinta Shanaad ee 2015-ka

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa guddi u saaray ka soo talo bixinta muddo kordhinta. Guddigani waxa ay ka koobnaayeen 19 xubnood oo ka tirsan Golaha Guurtida. Guddigii waxa ay soo saareen muddo kordhin ka kooban sannad iyo toban bilood, waxaanay toban bilood dheeraysiyeen wakhtigii ay hore u qabteen Guddiga Doorashooyinka Qaranku. Markii golaha la horkeenay wakhtigan muddo kordhinta way ansixiyeen. Waxaanay doorashadu dhacaysaabay yidhaahdeen sannadka 2017-ka bisha Juun. Halka ay Golaha Baarlamaanka u kordhiyeen laba sano. Waxa ay u cuskadeen qodobka Dastuurka ee 83-aad , firqaddiisa 5-aad ee qabsoomid la’aanta doorashada. Sidaasi ayey ansax ku noqotay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

Calicoomay@hotmail.com

Tixraac:

Cali Qoryooley……Meersiyada Taariikhda..(Vol.1), 2014

COMMENTS
LINKS