|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudiga Abaaraha Iyo Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Oo Khilaaf ka Dhex Qarxay Madal Uu Madaxwaynuhu Fadhiyay, Doodi Saylici, Isdifaacii Xubnaha kale Ee Gudiga,
March 13, 2017 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N) Kulan uu Maalintii shalay ahayd madaxwyanaha Somaliland iskugu yeedhay gudida abaaraha heer qaran oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyada ismarkaana mudo saacado ah qaatay kulankiisu ayaa wararka aanu haley xubno ka agdhawaa isla goobtaa waxaa bilowgii shirkada dibada usoo baxay khilaaf huursanaa oo u dhexeyay madaxwayne kuxigeenka Somaliland saylici oo ah isagu gudoomiyaha gudidan iyo koox uu hormuud u yahay wasiirka diinta iyo awqaafto oo iyaguu sida wararkani tibaaxeen isku xulufo ahaa. KHilaafka gudida abaaraha ka dhex curtay ayaa la sheegay in uu salka ku hayo mid ku salaysan mashaariic ay bixinayeen gudida abaaruhu kaasi oo ahaa in la soo iibiyo raashin iyo waxyaabo kale oo ay gudidu doonayso in ay dadka abaaruhu koo baro kiciyeen u qaybiyaan. Sidoo kale khilaafka madaxwayne ku xigeenka iyo gudida uu gudoomiyaha u yahay ka dhex bilowday ayaa la sheegay in ay qayb ka tahay habka xisaabaadka lacagaha gudidan soo gadhaay oo xubno gaari ah ay maamulaan Madaxwayne kuxigeenka Somaliland saylici ayaa madaxwaynaha hortiisa ka sheegay in aanay xubnahi qaadan awaamiirtiisa isamarkaana ay siday doonaan ugu tarkifalaan hanta loogu talo galay dadka tabaalaysan. Dhanka kale xubnahan uu wasiirka diintu hurmuudka uyahay ayaa la sheegyin ay si adag iskaga difaaceen eedaha uu u soo jeediyay cabdiraxmaan saylici Wallow gidigan wadaada ubadan lagu eedeeyo wax sdaba marin iyo xisaab la,aan joogto ah Muran iyo buuq hadheeyay goobta kadib waxaa arinta soo dhexgalay madaxwayne siilaanyo oo sida la sheegay labada dhinacba ugu baaqay in ay arinta hoos u dhigaan . Madaxwayne kuxigeenka somaliand cabdiraxmaan saylici ayaa noqday masuul marwalba cabasho ka keenoashaqada isaga loo igamaday taasi oo lagu eedeeyay in uu yahay masuul go,aan qaadasho aan lahayd ismarkaana marka ay cid isqabtaan ku adacooda in awaamiirtiisa loo qaadan laaya ay reernimo kaasi oo marar badan uu ku hanjabay in uu iscasilidoona hadii sidan laga day waayo. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|