Gabiley Gafka Cidii ka Gashay Way Garanayaan!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabiley Gafka Cidii ka Gashay Way Garanayaan!!
March 7, 2017 - Written by Editor:

Gabiley waxay in muddo ah ku raad joogtay in ay maruun hesho gobolnimo, raadcadaaas oo soosocotay mudo aan dhawayn oo sidaan filayo kasoo bilaabantay in ilaa intii dawlad somaliyeed jirtay, marnaba hakad may galin radcadii gobolnimo balse halkii ayay kasii socotay ilaa intii Somaliland lasoo noqotay xornimadeeda. Ku darsoo akhriste ogaalkay hore umay jirin degaan kale oo sida gabiley u raadinayay gobolnimo,  nasiib wanaag iyo nasiib xumo midkaad doonto ku tilmaamo waxaa akhirkii gobolnimadii gabiley ku dhawaaqay madaxwayne DAAHIR RAYAALE KAAHIN waxaanu isla degreeto madaxwayne  ku soosaaray 7 gobol oo midkaliya oo aad is tidhaahdo gobol ayuu u qalmaa marka gabiley laga reebo anu ku jirin  balse u jeedada ka danbaysay ay ahayd in gobolkan gabiley ahaado deeegaan degmonimo ka tega gobolna aan gaadhin, sidaan lawada socono gabiley waxay iyadoo degmo ah hadana waxkula qaybsanjirtay lixda gobol iyo gabiley oo markeeda horebe way ka darajo saraysay degmoyinka Somaliland oo dhan waxaanan dareensahay in ay xukuumadii wakhtigaa jirtay ugu talo gashay heerkan manta gabiley ku taagantahay.

maxamed faarax miigane

Shacabka rer gabiley waxay mudo badan usoo joogeen in gobolnimada gabiley laga dhigto arin lagu ololeeyo oo Reer gabiley cod laga raadiyo, sidaan filayana maanta diyaar uma aha in ay sidii hore cod ugu siiiyaan cidii tidhaahda gabiley ayaan gobolnimo u hayaa waayo taas hore ayay uga tabaysteen,Danbiguu qof leeyahay wuu nawada qabtaayo waa lana qisaasaa, Qorshaheeda taladana marka la isku qaabilo anu qaybta kuma jiro waana la iga qadiyaa, hore ayay taas u fahmeen halka ay gobolnimada kalasoo baxayaana iyaga ayay u taal maaaha mid xisbiyada u taal , Afar doob oo dilin waynbaa la isku dabadhigay ooy dar madhantahay, gabiley degreetadii madaxwayne RAYAALE waxay ka dhaxashay in maanta aan ku jirtno bishii 3aad 2017 ay shaqaalaha caafimadaadka gabiley bilaa mushahar ahaadaan iyadoo dhamaan dalka intiisa kale hore u qaateen madaxwayne SILANYO isaguna kaba sii daryo wuxuu ku daray 2 gobol oo kale isku gayn waa lix iyo laba baroosin iyo silsilado siddeeed ah, rer gabiley way garanayaan gafkaas cidii ka gashay siday isaga furdaaminayaana iyagay u taal KULMIYE,WADANI, UCID midna uma taal taas hore ayay uga gudbeen.

 

Qore :Mohamed faarah miigane

 

 

COMMENTS
LINKS