Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia!!! Qalinkii Yuusuf Garaad | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dib u Milicso Mustaqbalka Villa Somalia!!! Qalinkii Yuusuf Garaad
March 8, 2017 - Written by Editor:

Laga soo billaabo Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Axmed, Guddoomiye Shariif Xasan iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi, ku xiji Nuur-Cadde, Shiikh Shariif, Xasan Shiikh, Saacid Shirdoon, Cabdiweli Shiikh, Cumar Cabdirashiid iyo qaar kale oo Wasiirro u badan Madaxda Sare ee dalka soo martay intooda badan inta aanay xilka qaban waxay ahaayeen rag aan macriifo wanaagsan leennahay.  Qaar aan sheeko wadaag nahay.  Kuwo aan arday wada ahayn iyo qaar aan awal ku tilmaami jiray saaxiibbo  dhow oo aan guryaha iyo Hoteellada isku booqan jirnay inkasta oo markii dambe aan u beddelay in ay yihiin rag aan is naqaan.

Sidaas ay tahay, weligeey iskumaan deyin mas’uul la doortay sida Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan ama mid la magacaabay sida Ra’iisal Wasaare iyo Wasiir in aan madaxa ka qabsado.  In aan dad kale oo aan iyagu ogeyn uga been sheego.  Ama in aan isaga u caga jugleeyo si aan uga dhaliyo go’aan aan madaxiisa ka soo go’in.

Waxaanse mar walba arkaa dad mooggan in ay siyaasaddu tahay sida aan anigu u qabo nabadeynta iyo horumarinta dalka ee mooda in ay tahay been sheeg, cad gooso haddii ay kuu mari weydana ka tag xishoodka oo afkaaga maal iyo wakiillada shisheeye u jil musalsal.  Amaba ku dhaqaaq intaas oo dhan.

Dadka noocaas ahi badiyaa kama warqabaan xaaladda dalka iyo waxa qabasho u baahan. Iskuma mashquuliyaan baahida iyo dhibaatooyinka jira iyo sida ay u kala mudan yihiin.  Uma muuqdaan tabarteennu waxa ay tahay iyo inta ay baahideenna dabooli karto.  Ma goobaan dhibka aynaan annagu xalkiisa tabar u hayn sida loo maareyn karo.

Waxa keliya oo u cad xilka uu isagu doonayo, kan uu qof la doonayo ama uu qof kale ka hor istaagayo.  Waxaa u cad xilkaas la goobayo sida uu ribix shakhsi ah uga soo saari lahaa. Haddii aanuu xil raadineyn, waxaa uu goobayaa waa qandaraas irmaan oo uu ka nuugo dowladda.

Madaxda Cusub

Madax kasta marka ay cusub tahay ama marka ugu horreysa ee uu la kulmo wuxuu ku dayaa in uu rabbeeyo si uu baqdin-gelin ugu maalo.   Amaba si ay isaga gacanta ugu galaan.  Mararka qaar waa ay u martaa.

Haddii ay u socon weydo inta badan warbaahinta ayaa laga maqlaa ama xanta siyaasadda ayay kordhiyaan ayaga oo dhaliil aan jirin ama markii hore ay iska indha tirayeen u marinaya madaxda ay ku ag hungoobeen.  Marmar waxay raaciyaan hanjabaad aanay awoodin in ay ka dhabeeyaan.

Dadkaasi marka ay madaxda dhaliilayaan marnaba kama run sheegaan waxa ay ugu careysan yihiin iyo hindisaha ay ula tageen ee u socon waayay.  Waxaa ay doontaan dhaliil kasta oo dhaawici karta siyaasiga iska caabbiyey taas oo aanay inta badan ka marneyn ka been sheegid iyo ku jiqsiin.

“Siyaasiyiinta” iyo mukhallisiinta ka shaqeysta ee aan u shaqeyn Dowladnimada Soomaaliya oo aan iyagu Xamar ku yarayn waxaa ku soo biiray qaar deggan caasimado Geeska Afrika ah.  Qaarkood ilaa ololihii doorashada ayay joogeen dalka.  Qaar kale waxay buraashadahooda soo dhaansadeen markii ay isbeddelka maqleen.  Aad ayay u xiiqsan yihiin.  Wakhtigu waa is gurayaa.  Midkii aan ka soo tegin shaqo ay tahay in uu dib ugu laabto waxaa tirsan maalmaha uu iska xajin karo nolosha qaaliga ah ee Muqdisho.

Hoggaamiyaha ay lafdharkiisu jilicsan tahay, midka xan-ku-noolka ah iyo ma-hubsadaha aan su’aalaha isweydiin waa uu u nugul yahay baqa-ku-maalka.  Sidaasna waxaa ku wiiqma danta Soomaaliyeed iyo kalsoonida lagu qabo hoggaamiyaha.

Waxaan rajeynayaa in Hoggaamiyayaasha cusub ee Soomaaliya ay iska caabbin doonaan dadka aan dalka u shaqeyn ee ka shaqeysta.  Kuwo awoodda cillanaadka ah ee aan la taaban karin ku hanjaba. Iyo kuwo ku xooma Hoggaan kasta, fahamsiiya in uu yahay Mahdigii la sugayay, u tusa in ay ayagu yihiin kuwii ka badbaadin lahaa khataro ay ayagu madaxiisa ku sawireen, marka ay sharafta ka dhaamaan, sida liinta u miirtaan, gufarka tuura si ay u helaan liin warmoog ah oo ay listaan.

In aan foolka indho ku leennahay si aan hore ugu soconno waa muhiim.  Sidoo kale waxaa Rabbi awood noo siiyay in qoorteennu ay labada dhinac u wareejin karto foolkeenna si aan hareeraheenna u aragno.  Iyo marka loo baahan yahay in aan lugaheenna adeegsan karno si aan socodkeenna u hakinno, dib ugu jeesanno oo aan uga cabbirqaadanno waddada aan soo marnay.

Aan dib u milicsanno waxa aan soo marnay si aan hore ugu soconno

COMMENTS
LINKS